Monday, July 8, 2013

Sidee loo soo dhaweeyaa bisha barakeysan ee Ramadaan..? Qormo diini ah oo Muhiim ah

 Maalmaha iyo Biluhu waxay soo laablaabtaan-ba waxaa foodda nagu soo haysa bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan.
Waa hubaal inay tahay  marti culus oo aad u qiimo badan, Waa munaasibad cibaadeed oo aad u weyn, oo uu Eebbe (sw) ku dhaafo denbiyada addoomadu ay galaan, isla mar ahaantaana uu dhexdeeda ku kordhiyo abaalmarka iyo xasanaadka qofkii isagu muteysta maamuuskaas.
Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Eebbe (sw) waafajiyo inuu gaadho bisha ramadaan.
Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno cumriga na gaadhsiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan.
Haddaba, walaalayaal Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaadhaan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hadhay geeriyooday, amaba  haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa’iideystaan. Allahu akbar, waa nasiib darro labadaasi tilmaamood-ba, labadoodaba waxaynu ka magan galaynaa Eebbe (sw).
Walaalayaal, bal ina keena si aan innagoo si farxad leh ku qaabilayna bisha ramadaan aan dib ugu noqono taariikhdii maamuuska lahayd ee uu noolaa Xabiibka Rasuulka (scw), bal si aynu uga baranno qaabkii iyo waddadii uu Rasuulka (scw) iyo asxaabtuba ugu soo dhoweyn jireen bisha Ramadaan.
Ugu horeyntiiba, wuxuu Rasuulka (scw)ugu bishaarayn jiray muslimiinta bilashada bisha ramadaan, dabadeedna isagoo ay weheliyaan ardaydiisii qiimaha badnaa ee asxaabta waxay dhammaan bishaas barakeysan ku cammiri jireen cibaado fara badan oo kala duwan. Sida uu werinayo Imaamu Dhabari, wuxuu Rasuulka (scw) ahaa markay timaaddo bisha Rajab kii yidhaahda “Alloow noo barakeey Rajab iyo Shacbaan, waxaadna na gaadhsiisaa ramadaan-ka”.
Dadaalkii Rasuulka (scw) ee Ramadaanka
Caa’isha Ilaahay ha ka raalli noqdee iyadoo noo iftiiminaysa siduu Nebiga (scw) ugu dadaali jiray salaatu-leylka waxay tidhi “ha ka tagin salaadda leylka, maxaa yeelay ma uusan Rasuulka (scw) ka tagi jirin. Haddii uu xanuunsanayo ama uu caajiso fadhiga ayuu ku tukan jiray”. Salaadahaas iyo dadaalkaas wuu sii laba-laabi jiray Rasuulka (scw) marka la gaadho ramadaanka, saxaabadana way kaga shidaal qaateen sunnadaas.
Cumar Binu Khadaab (rc) marka la gaadho habeenka wuxuu u istaagi jiray salaad, isagoo si ay khushuuc ku dheehan tahay u dheerayn jiray salaadaha habeenka. Habeenka saqda dhexe marka la gaadho wuxuu salaadda u toosin jiray reerkiisa, isagoo ku odhan jiray SALAADDA SALAADDA, wuxuuna ku dul akhriyi jiray aayadda uu Alle (sw) ku leeyahay “waxaad qoyskaaga fartaa salaadda iyo zakada..”Suuradda Daha 132.
Xaddiis uu weriyay Imaam Axmad, uuna ka werinayo Abuu Hureyra Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu Rasuulka (scw) yidhi xaddiis macnihiisu ahaa: “waxaa idiin yimid bishii ramadaan, wuxuu Eebbe (sw) idinku waajibiyay inaad soontaan, bishaas waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaa la xidhaa shayaadiinta, waxaa ku jirta habeen ka kheyr badan kun habeenood, ruuxii laga xarimo kheyrkeeda waa qof kheyr laga xarimay”. Haddaba, bisha sidaas u kheyrka badan waxaa habboon inaynu ku dadaalno sidii aan uga faa’iideysan lahayn kheyraatkeeda, oo aan gadaal danbe aanan uga qoomamayn.
Soonka waa la aqbalaa ducada
Walaalayaal, waxaa nalaga doonayaa inaynu bishan kheyrka badan aan ku qaabilno towbad badan, qur’aan aqris badan, salaad badan, baarifalka iyo samafalka waalidka, waxtarka iyo taageerada dadka dhibaataysan, islaaxinta iyo xidhiidhka qaraabada iyo dhammaan waddooyinka kheyrka ee uu Eebbe (sw) ka raalliga yahay. Bisha ramadaan waa bishii naxariista. Waa bishii denbi dhaafka badneyd. Waa bishii xoreynta naarta.Lama koobi karo fadliga bisha ramadaan, waxaana ka mid ah in la aqbalo ducada addoomada suubban ay baryayaan Rabbi (sw).
Wuxuu Eebbe (sw) yidhi isagoo ka hadlaya arrintan “hadduu addoonkayga xaggeyga wax iga weydiisto waxaan u ahay mid u dhow oo aqbala ducada markuu wax i weydiisanayo” aayadda 186 suuradda Al-Baqara. Dhinaca kale, xaddiis uu Imaam Axmad ka weriyay Rasuulka (scw) wuxuu Rasuulka (scw) yidhi “seddex ducadooda lama celiyo”, waxayna saddexdaas kala yihiin: qofka sooman jeer uu ka afuro, madaxweynaha caadilka ah iyo qofka la dulmiyay habaarkiisa”.
Deeqsinimada iyo soonka
Walaalayaal, sidoo kale, bisha ramadaan waa bil ku caanbaxsan deeqsinimada, samafalka iyo ixsaanka. Cabdullaahi Binu Cabbaas Ilaahay ha ka raalli noqdee wuxuu yidhi “Rasuulka (scw) wuxuu ahaa kan dadka ugu deeqsinimada badan, wuxuuna ugu sii deeqsinimo badnaa bisha ramadaan, gaar ahaan waqtiga uu la kulmayo malaga Jibriil (cs), habeen kasta wuu la kulmi jiray Jibriil iyagoo daraasayn jiray qur’aanka”. Sidaa darteed, wuxuu Imaamu Shaafici yidhi “waxaan jeclahay inuu qofka badiyo deeqsinimada si uu ugu daydo Rasuulka (scw).
 
Dhinaca kale, wuxuu Rasuulka (scw) qur’aanka la daraasayn jiray oo la aqriyi jiray Jibriil bisha ramadaan, waxay dhammeyn jireen qur’aanka bisha oo dhan hal jeer, hase ahaatee sannadkii ugu danbeeyay ee uu soomay Rasuulka(scw) waxay qur’aanka khatimeen labo jeer.
Dadka uu Alle ku galladaystay hantida waxaa la gudboon inay ku dadaalaan waxtarka dadka tabaaleysan, siiba bisha ramadaan. Ajar aad u weyn ayaa lagu sheegay qofkii afuriya qof muslim ah bisha ramadaan.
 
Wuxuu Rasuulka (scw) noo tilmaamay in qofkii afuriya qof muslim ah, uu leeyahay ajarkii kii soomanaa oo kale, iyadoo kii soomanaana aan laga naaqusin ama laga dhimin ajarkiisa. Waa fadli aad u weyn.
Bisha ramadaanka waxaa ku jira habeen ka kheyr badan kun habeenood, sida uu Eebbe (sw) noogu sheegay suuradda Al-qadr. Inkastoo aan habeenkaas la cayimin habeenka ay ku beegan tahay, haddana waxaa muslimiinta laga doonayaa inay ku dadaalaan dhammaan habeenada iyo maalmaha ramadaanka uu ka kooban yahay, si ay uga faa’iideystaan fadliga ramadaanka.
Irida dadka sooman ay ka galayaan
Walaalayaal, cibaadada Soonka wuxuu qofka dhaxalsiiyaa Jannada iyo inuu ka galo maalinta qiyaamaha mid ka mid ah albaabada Jannada, kaasoo loogu magacdaray Rayyaan. Saxaabiga la yidhaahdo Sahal Binu Sacaad ayaa wuxuu Rasuulka (scw) ka weriyay isagoo leh “waxaa jannada dhexdeeda ahaaday irid la yidhaahdo Rayyaan, iridkaas ayey dadkii soomanaa ka soo galayaan maalinta qiyaamaha, qof aan iyaga ahayn kama soo galayo, waxaa la odhanayaa aaway dadkii soomanaa?, markaas bay istaagaan qof aan iyaga ahayn ma soo galayo”.
Allaha ka raalli noqdee saxaabiga la yiraahdo Abii Umaama ayaa weydiiyay Rasuulka (scw), wuxuuna ku yiri “Rasuulkii Allow waxaad i fartaa arrin uu Alle igu anfacayo”, markaasuu Rasuulka (scw) wuxuu ugu jawaabay “waxaad ku dadaashaa soonka, ma jiraan wax la mid ah” Soonka iyo guulihii muslimiinta Lama koobi karo munaasabadada qiimaha leh ee Ramadaan. Bisha Ramadaan waa bilihii ay muslimiinta soo hoyeen guulihii ugu waaweynaa ee islaamka. Dagaalkii ugu weynaa ee ay muslimiinta ku guulaysteen wuxuu ahaa dagaalkii weynaa ee Badr, haddana dagaalkaasi wuxuu dhacay bil ramadaan 17-keedii sannadkii labaad ee hijriga. Waa dagaalkii ay qayb libaax leh ay ka qaateen malaa’igtii sharafta badnaa ee uu hoggaaminayay Jibriil (cs). Wuxuu Eebbe (sw) yiri isagoo ka hadlaya dagaalkaas “dhab ahaantii wuxuu Eebbe (sw) idiin gargaaray Badar idinkoo dulleysan..” aayadda 123 suuradda Al-Cimraan”.
Dagaalkaas Badar markii laga soo wareegay qiyaastii 4 sanno iyo xoogaa waxay misna muslimiinta soo hoyeen guushii ay ku furteen magaallada Makka. Waa furashadii magaallada Maka oo ku beegnayd labaatankii ramadaan ee sannadkii lixaad ee hijriga, halkaasna wuxuu Rasuulka (scw) ku aasay oo ku burburiyay asnaamtii boqolaalka gaarayay ee ku xoonsanaa hareeraha Kacbada.
Inkastoo labadaasi guulood ay ku beegmeen bil ramadaan dhexdeeda, haddana waxaa jiray guulo kale oo ay muslimiinta soo hoyeen isla bisha ramadaan, waxaana ka mid ahaa Furashadii Andalus sannadkii 92-kii hijriga, Furashadii Cammuuriya sannadkii 223 hijriga, dagaalkii Zalaaqa ee hore sannadkii 479-kii ee hijriga, dagaalkii Xaarim sannadkii 559 hijriga iyo dagaalkii Cayn-Jaaluut sannadkii 658 hijriga. Ugu danbeyntii, walaal haddaad macaasi iyo denbi badneyd uga faa’iideyso bishan denbi dhaaf dalbid iyo salaado badan. Waxay ayaan darro haysataa ruuxii laga xaaraantimeeyay kheyraadka iyo fadliga soonka. Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fadliga ramadaanka iyo inuu naga dhigo kuwa loogu naxariisto ramadaan, naartana looga xoreeyo, aamiin.