(GNA) Ninka loo aqoonsaday Aabaha dunnida ugu da’ada weyn oo u dhashay wadanka Hindiya ayaa hadda baadi goob ugu jira wiil uu dhalay oo Sadex jir ah oo ka lumay kana maqan muddo 55 cisho ah.
Sida lagu qoray wargeyska Daily Mail ninkan oo magaciisa la yidhaa Ramjeet Ragav, oo 97 jir ah waxaa uu raadinayaa wiilkiisa oo Sadex jira ah kaasoo lagu magacaabo Vikramjeet waxaa uu sheegay inuu aaminsan yahay in laga afduubtay maadaama uu waayay muddo 55 cisho ah.
Mar uu la hadlay wargeyska sheekadaan wax ka qoray ee Daily Mail ayaa Ramjeet waxaa uu sheegay in markii ugu war dambaysay uu u raacay hooyadii oo tageysay cisbital kadibna ay seexatay goob aad u mashquul badan oo basaska laga raaco “markii ay toostayna waaba ay weydey wiilkii” ayuu yidhi Ramjeet oo ay murugu ka muuqatay.
Ramjeet Ragav sanadkii 2010,kii ayaa loo aqoonsaday inuu yahay aabaha dunnida ugu da’da weyn waayo asaga oo da,diisu sare udhaaftay sagaashameeyo ayuu bilaabay inuu wax dhalo waxaana lagu qoray buuga lagu diwaan galiyo dadka waxyaabaha la yaabka ah sameeya asaga iyo ooridiisa Shakuntala, oo 60 jir ah.
Bishii October ee sanadkii hore ayay lamaanahaan mar kale wacdaro dhigeen oo ay dhaleen da’doodii labaadkasoo haatan dhawr bilood jiray .
Qoyskan hadda murugo ayay la fadhiyan guriga yare e ay kadagan yihiin magaalada la yidhaa Kharkhoda,oo ka tirsan degmada Haryana, oo qiyaastii 64km u jirta magaalada xarunta Hindiya u ah ee New Delhi tan iyo markii la waayay curadkoodii reerka.
Mr Ragav waxaa uu yidhi “Maalin kasta waan day dayaa inkasta oo aan dareemeyno inaan nala caawin haddana ma daalno waayo waa curadkeeygii waa ilmihii noogu horeeyay aad baan u jecelnahay mana garanayo sida uu ku lumay”
Haweeneyda u dhaxday ninkan loo aqoonsan yahay aabaha dunnida ugu faca weyn ayaa ka sheekaysay sida ay wax ay dhaceen waxaana ay tidhi.
“Waxay aheyd 6,May waxaan u qaaday cisbital waayo waa uu xanuunsanayay 30 km oo safar ah kadib waan daalay marka istaanada laga raaco gawaadhida ayaan ku gam’ay markii aan toosay waan waayay meel uu tagay waan qeyliyay oo qayliyay haddana cidna ima aaney caawin.”
Ka sokow in qoysanku qoys murugaysanyahay waxaa tiiraanyada la wadaagaya dadka jaarka la ah oo ogaa sida ay qoskan curadkooda u jecelyihiin.
Booliska ayaa hadda isku dayaya inay gacan siiyaan waxaana sarkaal u hadlayboliska oo la yidhaah Balbir Singh uu usheegay in ay baadhistu socoto sawirada wiilka yarna meel walba ay ku dha jiyeen waxa uuna meesha ka saaray in wiilkaa yar la afduubay
Ramjeet Ragav oo hore u ahaan jiray cayaaryahan dhanka feerka ah haddase beeralay ah waxaa uu sheegay in aanu marnaba nasan doonin illaa uu raq iyo ruux ka helo wiiilkiisa
Dalka Hindiya waxaa ka jira kooxo burcad ah oo caruurta afduuba kuwaa soo u adeegsada inay ku shaqaystaan, ka ganacsadaan mararkaqaarna u geysta dhibaato dhanka jinsiga ah