Saturday, July 20, 2013

Sideed timahaaga u ilaalisaa


(GNA)Dad  badan waxay ka cabsi qabaan in timahooda quruxdoodu ay suusho ama nafaqo beelaan, waxayna tamaniyaan in ay helaan habka ay ku soo celin lahaayeen quruxdii timahooda. Laakiin qof walbaa waa in ay ogaadaa waxa timaha quruxda ka kaxeeya kana khariba timaha, hadii ay arimahaas iska ilaaliyaana waxaa usoo noqonaysa quruxdii timahahooda. creatineArimaha timaha xumeeya : Kala badbadalka habka timaha loo feedho.




 Mar walba oo la midabeeyo timaha. Jawiga   hawada   is badbadalkiida.




  Sida khaldan ee loola dhaqmo timaha. Isticmaalka qalabka qalajiya timaha wax badan.




   Biyo kulul oo lagu meeydho timaha.




 




Arimahaasi waxay u sababtaa timaha duciifnimo, waxayna yaraysaa quruxdii iyo adkeyntii timaha.  ka soo qaad hadaa tahay qof dumara ah oo lasocda  moodada   marwalba, badalana timaha midabkooda , waxaa fiican inaad ka fakarto dhawr jeer intaadan samayn, adigoo ka eegaya dhinacyo kala duwan, sida inaanu  daciifnimo iyo daadasho ukeeni karo timahaaga. Labo kala dooro:




 




Inaad mar walba timahaaga badbadashid midabkoodaba oo sidaa aad ku khasaareysid timahaaga, iyo inaad timahaaga nafaqaysid oo aad u hagaajisatid sida dabiiciga ah ee ayna ku jirin kiimiko dhib ukeeni karta timaha.




Hadaad dooratay mida labaad waxaad qaadan kartaa nasteexoyinkan:




 




    Waa inaad timaha si fiican u nafaqaysaa, oo aad cuntaa cuntada protinka ka kooban maadada la yidhaahdo kryatin   Creatine , sidaa darteed waxaa fiican inaad cunto hilib aan lahayn subag iyo kaluun, beed , fuul, waxa laga sameeyay caanaha ee uu subagu ku yar yahay, lawska, iyo f ( furuut), sidaas ayeey iinsha Allaah dabeeciga quruxda timahaagu ku ilaalismeysaa, caafimaadna ku siineysaa




    Nadaafada timaha ilaali. Waxaad meeydhi kartaa   timaha 3jeer wiigii, shaambooga mar kaliya isticmaal wiigii, 2da jeer ee kalana biyo kaliya ha ahaadaan, sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga iyo biyaha kulul uma fiicna timaha.




    Waxaad timaha ku meydheysid ha ahaado nooc markiiba biyaha raacaya, waayo noocayada qaar shaambooga kamid ahi, waxay qaadataa waqti dheer in ay ka meydhmaan, waxayna keentaa marmarka qaarkood in wax ku hadhaan, adiga oo moodaya inaad ka meydhay, taasina waxay ukeenaysaa timaha qalayl badan iyo adayg.




    Markaad isticmaashid shaambooga kaga meedh timaha biyo yara qaboow, oo aad ku dartay  malqacad ah  khalka tufaaxa , sababta oo ah isticmaalka badan ee shaambooga, waxay ukeentaa timaha dhibaato, markaad isticmaashid biyaha qaboow iyo khalka tufaaxuna, waxay ka bi iyaan timaha shaambooga kugu hadhay, waxayna ilaaliyaan caafimaadka timaha.




    Kahor intaadan isticmaalin qalajisada-timaha, waa inaad timaha kala bixisaa si qunyar ah, waana inaad timaha ka yara fogeysaa mashiinka-timaha, intaadan isticmaalin mashiinka-timahana, timaha mari kariim, sababta oo ah kariimku wuxuu timaha ka ilaalinayaa kuleyka badan.




    Hamarsan saliida timaha markaad seexanaysid habeenkii, sababta oo ah waxay daalisaa saliidu timaha guntooda , ee mari  maalinimadii si cadceeda iyo hawada ay ugu dhacaan .




Diyaarintii:C/qaadir Askar




Gobanimonews.com