(GNA) Dad badan ayaa ka sheegta Madax xanuun xilliga Ramadaanka gaadh ahaan xiliyada afurka ka hor iyo marka ka danbaysa afurkaba, waxaana arintaan sabab u ah arimo dhowr ah, iyadoo aanu halkan idiinku soo gudbin doono habab aad kaga fogaan karto arintaas.
Unugyada maskaxda ayaa u baahan Oxygen xanbaarsan hemoglobin halka sidoo kale unugyadaasi u baahan yihiin noocyada Sokorta iyo glucose-ka Xilliga soonka hoos ayuu u dhacaa heerka Sokorta ee dhiigga taasi oo aanuu jirka hore u baran, taasina waa midda ugu horeysa ee madax xanuunka ka horeeya afurka kaasi oo qofka haynaya dhowr saacadood.
Sababta ugu weyn ee madax xanuunka keena ka dib afurka ayaa ah maadaama qofka sooman uu qaadanayo cunooyin aad u badan taasi oo ay ka dhalaneyso in dhiiggu si aad ugu soo shubmo dhanka dheefshiidka, waxaanu sidaas ku yaraaneysa dhiigga looga talo galay in maskaxda uu yimaado sidoo kale glucose-ka iyo Oxygen-ka ayaa yaraanaya .
Sidoo kale madax xanuunka ayaa waxaa keena ciladda dhanka jiifka ee qofka sooman ku imaaneysa taasi oo deganaantii jirka iyo maskaxda saameyneysa, hadaba sideed uga fogaan kartaa madax xanuunkaasi ayaa waxaa kamid ah:-
1- Joogteynta Suxuurta iyo in la dib dhigo.
2- In la yareeyo wax yaabaha fir fircoonida laga qaado sida Coffe-ga.
3- In aad qaadato qadar cunno ka kooban Vitimiin B2 kaasi oo ka hor taga madaxa xanuunka.
4- Inaanay hurdadaadu ka yaraan Todobo saac iyadoo dadka badanaa sheegta daalka maskaxda ay inta badan yihiin dadka soo jeedka badan ee aan seexan hurdo ku filan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews