Baki (GNA)Wararka naga soo gaadhaya Degmada Baki ee gobolka Awdal, ayaa sheegaya in haweenay ay ninkeedii maalintii shalay qudha ka jartay iyadoo adeegsanaysa Dhagax.
Dhacadan naxdinta leh ayaa dhacday maalintii shalay, walina lama oga sababta dhabta ah eek a dambaysay inay Haweenaydani ku dhiirato inay saygeeda dhagax Nafta kaga dhamayso.
Haweenaydan la sheegay inay ninkeeda qudha ka jarto, ayaan wali magaceeda si rasmi ah loo shaacin, waxana wararku ay intaa ku darayaan inuu marxuumkaasi Hurday xilligii uu ku dhacayey Nabarkii sababay inuu naftiisa waayo oo la sheegay inuu ahaa Dhagax.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu dhagaxu kaga dhacay madaxa, waxana dhacday inuu marxuumkaas oo aan ilaa hadda magaciisa si rasmi ah loo shaacinini uu isla goobtii ku naf-waay.
Haweeneydan ayaa ciidanka Bilaysku u taxaabeen xabsiga, waxaana la sheegay in haweeneydan Madaxa ka jiranayd oo aanay Miyir ahaan fayoobayn inkastoo aanay dhakhaatiirtu wali arrintaa xaqiijin.
Lama kala cadeyn sababta ka danbeysay in haweeneydani qudha ka jarto seygeeda ay gogol wadaagta ahaayeen, balse falalka ceynkan ah ayaa guud ahaan deegaanada Soomaalida gaar ahaan Somaliland si weyn ugu soo badanayay mudooyinkii danbe.
Bilo ka hor, dhawr Nin ayaa qudha ka jaray Xaasaskoodii, hase ahaatee dhacdadani waxay noqonaysaa mid Ugub ah Beryahan dambe.
Gobanimonews
Boorama Office