Waxyaalihii Uu Madaxweyne Siilaanyo Axdigii Mucaaridka Uu Xaaraantimayn jiray Ee Maanta Uu Xalaashaday
Qalinkii: Maxamed Sagax
1. Madaxweyne Siilaanyo oo siddeedii sanadood ee uu hogaamiyaha mucaaridka Kulmiye ahaa muddo kordhinaha golayaasha dawladu xilka ku korodhsadeen ku tilmaami ijray sharci daro iyo ku tumasho Distoor ayaa maanta u arka muddo muddo kordhinta labaad ee golaha guurtidu golaha wakiilada u sameeyay mid sharciya.
2. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilliyadii mucaaridka uu ahaa ugu nebcaa qodobka 83aad ee Distoorka Qaranka ee golaha guurtida awooda u siinaya inay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha marka ay muddada sharciyada ee xilku ka dhamaato, kuna tilmaami ijray muddo kordhinaha kuwo lagu carqaladaynayo doorashooyinka iyo hanaanka Dimoqraadiyada,a yaa waaqaca maanta loo joogaa Madaxweyne Siilaanyo oo muddo kordhinihii la foosha xumaa ay maanta la qurux badan yihiin.
3. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo marxaladihii mucaaridnimo cabudhinta iyo xadhiga Suxufiyiinta ku tilmaami jiray nidaam kali talis iyo habdhaqankii Rajiimkii Siyaad Barre dalka lagaga xoreeyay ay la quman tahay xukuumada xadhiga iyo xayiraada Distoor jabinta ah ee hay’adaha warbaahinta lagu hayo.
4. Madaxweyne Siilaanyo oo wadatashi la’aanta Axsaabta mucaaridka ee arrimaha guud ee Qaranka lala garab maro ku tilmaami jiray xilligii uu mcaaridka ahaa talo maroorsi Iyo Qaran dumis ayaa maanta xukuumadiisu ku xalaalaysatay inaan loo joogin cid kasta oo maamulkiisa dhaliilao u so jeedisa, isla markaana cid kasta oo wadatashi Qaran ku baaqdana u arka Qaran dumis khalkhal galinaya ummada.
La soco…