Thursday, July 18, 2013

Madaxa Nabadgelyada Dekadda Berbera iyo xubno kale oo ka tirsan odayaasha magaalada Berbera ayaa goordhaweyd Ciidamada Amnigu Xabsiga u Taxabeen.


Berbera (GNA)Madaxa Amaanka Dekadda Berbera Cismaan C/laahi ( Bakooshe) Iyo C/risaaq Dubad Dhagoole, Xil.Salebaan Maxamed Garowle  oo ka Tirsan Odayaasha Magaalada berbera ayaa la sheegay Ciidamada Amaanku Xabsiga u Taxabeen, balse Saraakiisha amniga ee Gobolku waa ay beeniyeen warkaasi.




Xadhiga Masuuliyiintan ayay dad goob-joogayaal ahi sheegeen inuu ka dhashay muran dhex maray Rag waday Gaadhi Shirkad shidaal ka qadaysa dalka,sida ay Sheegtay shabakada warka ee Berberanews.




Hase ahaatee Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Saaxil Cabdi Cali oo aanu Khadka Telefoonka kula xidhiidhnay  isagoo ku sugan Magalada Berbera ayaa sheegay  inaanay jirin haba yaraatee dad Caawa la xidh-xidhay.




Taliyaha ayaa Gobanimonews u sheegay “ma jiro warkaasi mana maqal”ayuu hadalkiis ku soo gaabiyay.




Gobanimonews




Berbera Office