Karachi (GNA) Qarax xoogan ayaa lagu weeraray Sarkaalka sarre ee ilaaladda u ahaa madaxweynaha dalka Pakistan, Asif Ali Zardar ayay wararku sheegayaan in gaadhiga uu watay lagu qarxiyay Bam aan la ogeyn halka uu ka yimid iyo cidda isku qarxisay inkastoo mar qudha ay wada arkeen ciidamada dalka Pakistan gaadhiga Sarkaalka amaanka oo gubanaya saddex ruux kallena ay ku geeriyoodeen goobta uu ka dhacay qaraxa.
Qaraxa ayaa ka dhacay faras magaalka Guru Mandar ee magaalada Karachi oo ku dhaw gobolka Sindh.
“Waxay ahayd qaraxa uu ka dhashay Bam ugu yaraan waxaa ku geeriyootay saddex ruux toban kalena dhaawac ayaa kasoo gaadhay waxaa sidaas yidhi Sarkal sarre Tahir Naveed oo u waramayay wakaalada Wararka ee AFP.
Sarkaalka Madaxweynaha u ahaa ilaalada qaaska ah ee geeriyooday Asif Ali Zardar ayaa hore usoo kala qabtay shaqooyinka Sirdoonka ugu sarsareeysa ee dalka Pakistan.