Hargeysa(GNA)-Siyaasiyiin Miisaan culus ku leh Saaxadda siyaasadda Somaliland ayaa Maanta ku dhawaaqay Golle loogu magic daray Golaha Madaxabanaan ee Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, kaasoo Bulshada iyo dadka Taageera siyaasadda Dawladu Xaasaasiyad ka muujiyeen.
Siyaasiyiinta Gollahan ku dhawaaqay waxa ka mid ah Muj. Ibraahin Cabdillahi Xuseen Dhego-weyne, Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali Waraabe.
Warsaxaafadeed laga soo saaray Kulankii ugu horeeyay ee Gollahan, ayaa lagu sheegay in aasaaska Ururkani ka dhashay Gooni-isutaaga iyo Madaxbanaanida Somaliland oo mad-madow laga geliyay.
Sidoo kale, xubnahana waxay sheegeen inay ka hadli doonaan Niyad jabka, shaqo la’aanta iyo waxay ugu yeedheen quusta shacbiga oo u baahan in qaylo dhaan culusi ka taagantahay.
Siyaasiyiintan ayaa sidoo kale muujiyay rejo-la’aan siyaasadeed oo ay dalka ka qabaan oo la xidhiidha dhinaca la socodka iyo isu tanaasulka Dawladnimo oo ay Warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in laga leexday.
Gobanimonews
Hargeysa Office