Barcelona ayaa xaqiijisay in Gerard Deufoleu uu heshiis amaah hal sanno ah ugu biiray kooxda Everton.
Wakiilka ciyaaryahanka Ginés Carvajal ayaa u safray magaalada Liverpool si uu u dhameystiro heshiiska 19 jirkaan uu ku wareegayo.
Inkastoo kooxo badan ay xiiseynayeen inay qaataan da’ yarkaan Barcelona oo ay ku jireen Sevilla iyo Borussia Dortmund, hadana tababaraha reer Spain ee Everton Roberto Martinez ayaa ku guuleystay inuu heshiis amaah ah ku qaato.
Ciyaaryahanka ayaa haatan ku maqan fasax ka dib markii uu ka qeyb galay koobka adduunka ee U20 ee ka socda Turkey halkaasoo juunyeerka Spain ay ku soo hareen wareega 8da.
Waxa uu heshiis cusub u saxiixay Barcelona bishii May laakiin waxa uu doonayay inuu boos joogta ah ka helo koox heer sarre ah.
Waxaana uu iska diiday inuu u ciyaaro Barca B xilli ciyaareed kale taasoo keentay in Barcelona ay aqbasho inay heshiis amaah ah ku siiso Everton.