Saturday, July 6, 2013

Raysal-wasaaraha jasiirada Malta oo Madnuucay in Dawladiisu Qaabisho Tahriibayaasha Somalida


(GNA) Ra,iisul wasaaraha cusub ee Dowladda Malta Joseph Muscat ayaa digniin wargelin ah qadka Teleefonka kula yeeshay Madaxa golaha Midowga Yurub Hermann Van Romputy si uu ugaadhsiiyo go,aan kama danbeys ah oo dhigayo in Dowladda Malta ay isticmaaleyso awoodeeda eey kaga hortageyso dadka qaxootiga ah hadii aaney  Dowladaha Midowga Yurub wax kala qaban culeysyada dadka sida magan galyo doonka ah ku yimaado xeebaha Jaziiradda Malta..




 Hadalka kasoo yeedhay Muscat ayuu ku sheegay shir jaraa,id oo uu aroornimadii maanta ku qabtay xarunta aqalka Madaxtooyada kadib markii habeen hore Saqdii dhexe Dooni aad uweyn oo siday 300 oo Muhaajiriin ah eey soo gaadheen Jaaziiradda Malta.
Doonida soo gaadhay Jaziiradda Malta ayaa laga soo badbaadiyay xeebaha Malta waqti ayy ku sugneyd xaalad bani aadinimo oo aad u daran.




Doonida oo siday tiro badan oo dumar iyo caruur ah ayaa qarka usaarneyd ineey quusto kadib markii biyo xowli badan ah gudaha usoo galeen Doonida sidoo kale waxey wararku intaas ku darayaan in dadka doonida saaran aay kamid yahiin Labo qof oo qabo dhaawacyo xabadeed oo jidhkooda soo gaadhay waqti aay isku dayeen ineey ka baxsadaan xabsi kuyiila wadanka Liibiya,xaalada Labada qof ee dhaawaca ah ayaa durbadiiba loola cararay Hospitalka Materdei oo iminka lagu dabiibayo.




Dr Muscat oo u muuqday inuu ka xunyahay imaashaha qaxootiga cusub Jaziiradda Malta ayaa ku celceliyay in Dowladiisa aaney ka baaqsan doonin mustaqbalka dhaw in qaxootiga dib loogu celiyo goobihii eey kasoo socdaaleen.




Dhanka kale hadalada Muscat oo laga sii daayay Telefishinka wadanka waxaa canbaareeyay oo jawaab celin ka bixiyay xisbiga National Party oo ku tilmaamay hadalada kasoo yeedhay Muscat inayy tahay iscaan bixin raqiis ah ayna ku habooneyn in lagula dhaqmo dad ubaahan kaalmo Bani aadinimo hadaba imaashaha Muhaajiriinta tirada badan ayaa kusoo beegmaya waqti Dowladda cusub Dr Joseph Muscat aanay la wareegin Miisaaniyada wadanka iyadoo sanadkan ay jirto shaqo la,aan aad ubaahsan.
Si kastaba ha ahaatee  fariinta hanjabaada ah ee Muscat ujeediyay wadamada Midowga Yurub ayaan la ogeyn halka ay ku danbeyn doonto inkastoo wararka laga helayo xukuumada ay sheegayaan in Mr Van Romputy uu socdaal booqasho qarsheysan uu ku imaan doono Jaziiradda Malta maalmaha soo socdo Hadii Eebe Idmo…