Saturday, July 6, 2013

Barkhad Ladiif: Iska Keen C.V-ga Kolay Waa la Jeex-jeexayaaye!






Waxa maalmihii u dambeeyey dhallinyarada si weyn u hadal hayeen carwadda shaqo doon ee magaaladda Hargeysa laga furay, taas oo intooda badan naqdiyeyeen, isla markaana ku tilmaameen xaflad rayi caamka bulshada lagu khiyaamaynayey oo aan wax tar laga filanayen inay murgiso arrimhii jiray mooyee.




Goobkasta oo aad fadhiisato waxa lagu hadal hayey sida loo maareeyey iyo sida ay madaxdii ka soo qaybgalay u khiyaameen dhalinyarada Somaliland oo loo sheegay in loo samaynayo carwo shaqo loogu raadinayo taas oo aan waxba ka jirin balse ay ahayd carwo ganacsi.




Dhalinyarada marka aad la doodo ama goobaha ay fadhiistaan ee ay ka doodayaan agjoogsato waxaad dareemaysaa niyad jabka weyn ee ka muuqda iyo saamaynta ay carwadaasi loogu magacaabay uga xumaadeen.




“Maaha in dhalinyaro aan waxba loo hayn meel la iskugu keeno, iyadoo dadka warbaahinta loo marinaayo wax aan jirin, madaxdii xaflada ka soo qaybgashay waxay sheegtay inay carwo shaqo doon ah meesha laga furay taas oo boosas banaan ka heli doonaan, haseyeeshee taasi majirin ee waxa jiray been iyo khiyaamo waxaana lagu xayeysiinayey meharado dad iska leeyihiin”.ayuu mid ka mid ah ku dooday dhalinyaro goob wada fadhiday.




“meesha waraaqo ayaa lagu qorqorayey waraaqihii wax lagu qorqorayey waxaan arkayey iyadoo dabayshu qaadatay oo meelaha ku tuurtuurtay.”ayuu mid kale ku tiraabay.




 nin kale ayaa isagu weedh dadkii meesha wada fadhiyey kayaabiyey ku dhawaaqay oo yidhi “waxanu ku tagnay dhawr inamood oo CV-yo u wadda carwadda si ay shaqo uga helno, laakiin nasiib daro mid kamid ahaa inamadda ayaa CV-giisii aanu ku sidangal ama  Infolobka lagu rido waxaana inan joogay goobtii cv-ga la dhigayey ku yidhi soo gasho Cv-ga Infolob haseyeeyshee inan kale oo la joogay ayaa yidhi waar iska keen kolay waa la gubaayaaye waxba ha is khasaarine”.




Kalmadaasi uu yidhi inankaasi goobta CV-ga la dhigayey  hayey ee la gubaya ayaa dood ka dhalisay dhalinyaradii, iyagoo qaarkood soo jeediyeen inuu run sheegayey oo aan dadka meel loo hayn, isla markaana waraaqaha la soo dhoobay meesha la gubi doono , isla markaana uu inanka u kaydiyey kunkii shilling ee uu soo siisan lahaa galka lagu ridi lahaa, halka qaar kalana sheegeen inuu ninkaasi niyad jabinayey dadka.




 




“horta hadalkii madaxweynuhu meesha ka yidhi waxaan ka xasuusta guulaysta, marka waan garan waayey cida guulaysanaysa ma ganacsatadan meesha joogtay mise dhalinyarada maskaxda ka dhididay ayaa guulaysanaya.”ayuu nin kalana ku doodayey isagoo naqdiyaya khudbadii koobnayd ee madaxweynaha.




Sidoo kale, waxa dhalinyaro kale sheegeen in carwadaasi la qabtay iyo hadalkii u wasiirka qorsheyntu sheegay in saddexdii sanno u dambeeyey la shaqaalaysiiyey afar kun oo dhalinyaro ah ay khilaaf hor leh ka abuurtay waalidkii iyo dhalinyaradii, waxaanay waalidkii u arkeen caruurtoodii bilaa camalka ahaa inay dayaceen shaqooyinkan ay dawladu bixinayso , iyagoo waalid badan caruurtoodi ku canaanteen waxa ka qadiyey afarta kun ee shaqaalaha ah ee la qoray, maadaama oo ay waalidku inta badan ku go?aan qaataan waxa warbaahinta laga sheegayo, laakin aanay fahansanayn siday wax u jiraan iyo inay shaqadii noqotay eex iyo garasho tan iyo intii xukuumadda kulmiye la wareegtay.




Qaar kale ayaa iyagun qaba in weedhahan ay mar walba wasiiraddy sheegaan in arday badan la shaqaalaysiiyey dagaal ka dhex aloostay waalid iyo caruurtooda oo wada joogay, taasina ay keeni karta mar kasta oo uu buuqu bato ama dhalinyarada lagu canaanto waxay shaqo u heli waayeen iyadoo la barbardhigayo shaqo abuurkaasi ay xukuumaddu ku faanayso ee qolka madow lagu qaadanayo ay badanayso Tabriibku.




 




“ha waalina dadkan maskaxda ka dhiday ee aad beenta u sheegaysaa maxaad u haysaan meeshu waa carwo ganacsiye.”ayuu yidhi Sacad Gure oo la hadlayey wasiirkii hore isgaadhsiinta Axmed Xaashi oo isna carwadda kus oo bandhigay ganacsi uu sheegay in 120 qof ka shaqaalaysiiyeen goobta.




 




Si kastaba ha ahaatee, waxa labaddii cisho  u dambeeyey muran iyo hadal hayn badan keenay xaflad lagu sheegay in dhalinyarada lagu shaqaalaysiinayo, taas oo wax natiijo ah oo muuqdaa ka soo bixn, dhalinyaradii tagtayna ka soo qaadeen niyad jab, waxaanay qaar badani ku doodeen in shirkado kooban oo sheegay in boosas ka banaan yihiin aanay waxba ka jirin balse suuq geyn uun ka dhiganayeen iyo inay dadka kale ku kasbadaan, hadiise arintu aanay ahayn sida ay dhalinyaradaasi u sheegeen waxa haboonaan lahayd  in shirkad walba boosaskii ay sheegtay inay ka banaan yihiin warbaahinta loo soo bandhigo si cadaaladna imtixaanka loo qaado, lana arko dhalinyaro cusub oo boosaskaasi shaqo ka helay, haddii ay isaga mugdi iyo hadal uun ahayn tahriib kordha mooyee xal lagama gaadhayo.




Barkhad-Ladiif M. Cumar




Email:barkhadladiif@hotmail.com




Hargeysa, Somaliland