Saturday, July 6, 2013

Maxkamad ku taalla dalka Britain oo xukun ku riday Haweeney Soomaaliyed.


(GNA) Maaha markii ugu horeysay ee ay maxka mad ku taala dalka Britain ay xukun ku riday.
Mudo imika laga joogo ilaa bil ayaa gabadha kale oo soomaalia ah ay maxkamadi ku xukuntay in ay mudo ka shaqeyso adeega dadweynaha taas oo lagu soo eedeeyay in ay boga ayku lee dahay twenterka ay ku baahisay erayo ay maxka madu u cuskatay in ay cunsuriyad aheey iyada oo loo la jeedo dadka u dhashay Britain in la cabsi galiyo ama wax layeelo iyada oo loo marayo nidaam diimeed hadaba haweeneydan oo lagu soo eedeeyay in ninkeedu
ahaa danbili kagalay wadanka danbiyo uu usoo qorsheeynayay in uu abaabulo falal amaandara ah.
Ayaan Hadi oo ah haweeney u dhalatay Somaliya balse haysata dhalashada dalka Britain ayay xukun ku riday maanta Maxkamad ku taalla dalka Britain .
Haweeneydaan ayaa loo haystaa dambiyo lagu helay ninkeeda Richard Dart oo ahaa qof qaatay diinta Islamka isagoo lagu eedeyay inuu qayb ka aha ragg soo abaabulayay falal amaanka Britain qatar ku ah.
Richard Dart ayay ku eedeysay maxkamad ku taalla dalka Britain inuu tagay  dalka Pakistan isagoo halkaas kusoo qaatay casharo iyo barnaamijyo qorsheesan uu la damacsanaa inuu qaraxyo ka gaysto dalka Britain waxayna Maxkamad ku taalla dalka Britain ay ku xukuntay lix sanadood oo xadhig ah bishii April.








Hadaba Xukunka Richard Dart kadib ayaa waxa eedeymo kala duwan loosoo jeediyay gabadha uu qabay ee Ayaan Hadi oo ay ku eedeyeen maxkamada inay ahayd ruux wax badan ka qarisay ciidamada Sirdoonka ee ku hawlana kiiska seygeeda Richard Dart islamarkaana ay been ka sheegtay sida ay waxa u jireen sidaas darteedna ay ku mutaysanayso Xabsi.




Si Kastaba ha ahaate Maxkamada ayaan carabka ku dhufan inta sano ee ay xidhnaan doonto Ayaan inkastoo ay Maxkamadu ay ku dhawaaqday in lagu xakumay xadhig.




Gobanimonews-Desk