Tababaraha Napoli Rafael Benitez ayaa sheegay inuusan wax cuqdad ah u qabin Inter, islamarkaana uu diirada saarayo kaliya inuu shaqo wanaagsan ka qabto kooxda ka dhisan Naples.
Macalinka reer Spain ayaa xilli xun ku qaatay San Siro 2010kii, laakiin 53 jirkaan ayaa sheegtay inuu kaliya doonayo inuu shaqo fiican ku qabto Stadio San Paolo.
Inter Milan ayaa shaqaaleysiisay Benitez bishii June 2010, waxaana ay ceyriyeen lix bilood ka dib bishii December ee isla sannadkan.
“Kama fekero wixii la soo dhaafay ama wax ku saabsan Inter” ayuu Benitez u sheegay Eurosport. “Waxaan kaliya diirada saarayaa waqti xaadirkaan iyo Napoli.
“Si wadajir ah wax fiican waan ku sameyn karnaa. Dadkaan kama cabsi qabaan isbedel, taasna waxa ay inoo ogolaan kartaa inaan helno natiijooyin aad u fiican.
“Waxaan heysanaa ciyaartoy badan oo qibrad leh oo dhamaantood doonaya inay shaqo fiican qabtaan.”