Tuesday, July 23, 2013

Muqdisho: Jidadka Magaalada oo la xidhay, Ciidamo cusub oo meel walba la dhigay iyo Al-shabaab oo Weeraro Qorsheynaysa






Muqdisho(GNA)-Ammaanka magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa aad loo adkeeyay Maalmihii ugu dambeeyay.




Ciidamada cusub oo dawlada ah ayaa  maanta la dhigay  qaar la mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, kuwaasoo la arkay iyagoo  sugaya ammaanka guud.




Wadooyinka la xidhay waxa ka mid ah Isgoyska Banaadir iyo Zoobe, halkaasoo ay ku taalo Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya, Xarumo Hey'adood iyo Hotel ay degan yihiin Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.




Sidoo kale waxa xidhan  wadada ka baxda Isgoyska KM4 ee qabata dhina  jidka ay  ku taalo Safaarada Turkig ilaa Tarabuunka, iyadoo horay dhagxaan lagu gooyay wadada hor marta Safaarada Turkiga.




dhinaca kale sida ay sheegtay Mareegta Jowhar.com Wadada Maka Al-Mukarama ayaa qeybo ka mid ah ay ku sugan yihiin ciidamo boolis ah, kuwaasoo gawaarida yar yar weydiinaya aqoonsi, waxaana gaadiidka lagu joojinayaa dhowr bar oo ay ciidamada ku sugan yihiin sida Isgoyska Dabka iyo agagaarka Xarunta Golaha shacabka oo ay Ciidamo fadhiyaan.




Tallaabadan lagu sugayo ammaanka iyo wadooyinka la xidhay ayaan jirin saraakiisha hey'adaha ammaanka oo ka hadlay, hase ahaatee  waxa  la sheegayaa in arrimo ammaan awgeed loo xidhay.




Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Hey'adaha ammaanka dowladda ay ka war heleen weeraro ay qorsheynayaan  Al-Shabaab , kuwaasoo ay ku qaadayaan  xarumaha muhiimka ee dowladda iyo kuwo Ajanbi ee Muqdisho ku yaal, iyadoo marka aad mareyso wadooyinka magaalada ay kuu muuqanayaan feejignaan weyn oo ay galeen Ciidamada dowladda.




Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay inay sii xoojineyso weerarada inta lagu jiro bisha Ramadaan, iyadoo maalin ka hor ciidamo dhoolatus sameynayay ku soo bandhigtay degmada Marka ee Shabellaha Hoose.




Xukuumada Soomaaliya ayaa indhawaalaba ku cel celisay inay ciidamo cusub oo aan horay loo arag howl gelineyso, iyadoo maalin ka hor ciidamadan oo dareys cusub sita lagu arkay wadada Maka Al-Mukarama.




Maalmihii la soo dhaafay ayaa tan iyo markii bisha Ramadaan ay bilatay waxa magaalada Muqdisho ka dhacayay falal amni daro oo isugu jira dilal qorsheysan iyo qaraxyo, iyadoo ammaanka uu mudooyinkan aad u sii xumaanayay.




Hase ahaatee talaabooyinka hada amaanka lagu xoojinayo ayaa wax weyn ka tari doona dhibaatooyinka amni daro, iyadoo falalkii dhacayay Bisha ramadaanta ay waxyeelada ugu badan ay ka soo gaadhaysay shacbiga.




Gobanimonews




Muqdisho Office