Gerardo Martino ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu noqdo tababaraha Barcelona, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa saacadaha soo socda.
Wararka Spain ka soo baxaya caawa ayaa sheegaya in tababaraha reer Argentina oo dhawaan ka tagay Newell’s Old Boys inuu ogolaaday heshiis seddex sanno uu ku noqonayo tababaraha cusub ee Blaugrana.
Agaasimaha kooxda Andoni Zubizarreta ayaa lagu soo waramayaa inuu isbuuc dhamaadkii u duulay South America si uu u la kulmo Martino kaasoo shaqada Barcelona lala xiriirinayay tan iyo markii Tito Vilanova uu iska casilay shaqada tababare ee kooxda Camp Nou ka dhisan arimo caafimaad darteed.
Inkastoo iscasilaadii galabta ee Guus Hiddink uu uga tagay shaqada Anzhi ay keentay in durbadiiba lala xiriiriyo shaqada Barcelona hadana wararka haatan soo baxaya waxa ay tibaaxayaan in si rasmi ah loogu dhawaaqi doono magacaabista Martino.