Friday, July 19, 2013

Rafa Benitez Oo Qorsheynaya Inuu Liverpool Kala Soo Wareego Pepe Reina.


Tababaraha cusub ee Napoli Rafa Benitez ayaa isku diyaarinaya inuu kooxdiisii hore ee Liverpool ka soo qaato goolhaye Pepe Reina, sida ay qorayaan wargeysyada Ingariiska.




Tababare Benitez ayaa u dhaqaaqaya goolhayaha Liverpool ka dib markii heshiiskii ay kala soo wareegi lahaayeen QPR goolhaye Julio Cesar uu hakad galay.




Reina oo 30 sanno jir ah ayaa booskiisa Liverpool ee goolhayaha koowaad uu shaki ku jiraa ka dib markii ay kooxda 10 milyan ginni ku soo iibsatay Simon Mignolet oo kaga soo biiray kooxda Sunderland xagaagan.




Benitez ayaana rajeynaya inuu mar kale la shaqeeyo Reina ka dib markii uu Reds u soo saxiixay 2005tii.




Tababaraha Liverpool ayaa mar sii horeysay sheegay in saxiixa Mignolet inuusan aheyn bedelka Reina balse labada goolhaye ay ku tartami doonaan booska koowaad ee kooxda.




 




 




Laakiin haddii Benitez uu u soo dhaqaaqo saxiixa Jose Reina waxaa laga yaabaa in Liverpool ay ka fiirsato mustaqbalkiisa.