Mombasa(GNA)-Dawladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa shir uga socda magaalada xeebta ku taal ee Mombasa, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Taliyeyaal ka socda dalalka Ciidamadu ka jooga Soomaaliya, IGAD iyo Mas'uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya.
War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in laga hadlayo wada shaqeynta iyo in la is weydaarsado wararka sirdoonka.
Ergayga Midowga Afrika u fadhiyo Soomaaliya Mohamet Saalax Annadif ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab uu haatan beddelay weerarada iyo qaabka ay u howl galaan
Mr Annadif ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wanaagsan loo wada shaqeeyo, lagana hortago weerarada ka imaanaya Shabaab.
Waxaa kale oo shirka lagaga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa ciidammada ammaanka Soomaaliya.
Warka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in ciidammada Soomaaliya ay noqdaan kuwo wax ka qaban kara xaaladaha ammaan darro ee dalka.
Shirka ayaa ku soo beegmayo iyadoo Soomaaliya ay horey ugu baaqday in Kismaayo la geeyo ciidammo isku dhaf ah oo aan dhinac kaliya ahayn.
Ciidammada Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbooyinka.
Soomaaliya ayaa ku eedeeysay in aanay dhexdhexaad ka ahayn loollanka loogu jiro Maamulka Jubbooyinka Somaliya, iyadoo lagu tuhunsanyahay inay taageerayso Wadaadka sheik Axmed Madoobe.
Kenya ayaa eedeymahaasi u aragtay kuwo lagula dulkufay oo aan xaq loogu lahayn, iyadoo ciidamadeeda ula badheedhay khatarta somaliya ka jirta.
Shirka hada socda ayaa ah mid si weyn isha loogu, waxaana loo wada dhegtaagaya natiijada ka soo bixi doonta oo aan noqon doonin mid dhinac qudha saamaysa.
Itoobiya ayaa todobaadkan ciidamadeeda kala baxday Gobolka Bay oo ay gacanta ku haysay muddo sanad ka badan.
Arintaasi ayaa loo arkaa mid diblomaasiyadeed oo xidhiidh la leh shirka ka socda Mombasa, balse somalida ayaa ah kuwa ugu dhego nugul waxa shirkaasi ka soo kordha ee ku saabsan Mustaqbalka Kismaayo iyo Hawl-galka AMISOM.
Gobanimonews
Muqdisho Office