Rajadii ay Manchester United ka qabtay inay la soo wareegto Cesc Fabregas ayaa noqotay mid meesha ka baxday ka dib markii Barcelona ay cadeysay inaysan dhageysan doonin wax dalab ah oo u yimaada ciyaaryahanka.
David Moyes ayaa xaqiijiyay maanta inay dalbadeen xiddiga khadka dhexe balse uu ka war sugayo waxa ka soo baxa dalabka ay gudbiyeen, iyadoo dalabkaas lagu sheegay 26 milyan ginni.
Si kastaba, madaxweyne ku xigeenka Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa u sheegay jariirada Catalan ka soo baxda ee Sport in kabtankii hore ee Arsenal uusan iib aheyn islamarkaana aysan dhageysan doonin dalab kasta oo u yimaada.
“Barcelona waxa ay idiin xaqiijin kartaa inaysan dhageysan doonin dalab kasta oo u yimaada Cesc. Gabi ahaaba meesha waa laga saaray, Fabregas iib nagama ahan.” ayuu yiri Jose Maria Bartomeu.
Fabregas ayaa ku laabtay xagaagii 2011 kooxdiisii hore ee Barcelona ka dib markii uu ka soo tagay kooxda Arsenal oo uu kabtan ka ahaa.