Saturday, July 20, 2013

Qarax Kismaayo ka dhacay maanta +Sawiro


Kismaayo(GNA)-Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax nooca miinada dhulka lagu aaso ah lala eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan ciidamada ka socda Dowlada Sierra Leone ee ku sugan Magaalada Kismaayo.




Qaraxa Miino ee lala eegtay Ciidamada AMISOM ayaa ka dhacay agagaarka cisbitaalka Magaalada Kismaayo halkaas ay marayeen kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM sida dad goob joogayaal ah ku warameen.




Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegtay ayaa furay rasaas iyadoona lagu soo warinayo Rasaasta iyo Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM ay ka dhasheen Dhimashada hal qof oo rayid ah iyo dhaawaca ruux kale iyadoona aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha Ciidamada AMISOM gaaray.




Ma ahan markii ugu horeeyay oo Qarax Magaalada Kismaayo lagula eegto Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda Dowlada Sierra Leone ee qeybta ka ah Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika , waxaana marar kala duwan Ciidamadan kismaayo lagula eegtay Qaraxyo aan Qasaarooyinkooda la cadeyn.