Hargeysa(GNA)-Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi ayaa beeniyey isla markaana dedafeeyey bayaan uu sheegay in ay soo saareen dad aan haybtoodaba lagaranayn oo magaca beeshiisa isticmaalay, warbaahintana ku baahiyey.
Suldaanka ayaa qoraal Warbaahinta soo gaadhsiiyay maanta uu arintaasi ka falcelinayo kaasii u dhignaa sidan:-
"Beesha Ahmed Sh.Isaxaaq (Toljecle) waaBeesha ugu faca ugu wayn Beelaha isaaq, uguna degaan balaadhan ,taas oo ay kukasbatey Nabadgalyo jacaylka iyo wada nolanshaha Beelaha .Beesha Ahmed Sh.Isaxaaqwaxay ledahay tariikh hogamineed oo soojireena waxaana ka markhati ah magac been uma baxee nanaysteda toljacaylka ah.waxaanacaado u ah in wixi tabasho ah in miis dushii iyo wada hadal lagu dhameyo .
Todobaadkii tagay waxaa websityada qaarku soo baxay qoraalo been abuura oo ay qoreen dad shegtey magaca Besha AhmedSh.Isaxaaq (Toljecle). Bayanadaas waxaa wax lagaga sheegayay wada-shaqaynta Beeshaiyo dawlada.
Waxaa kale oo lagu taagerayay Golelamgac baxay Golaha Tashiga iyo Tosinta oo ay isugu tageen siyasiyiintii ku guul-daraysteyinay ka mid noqdaan hoggaanka dalka. Siyasiyintaas damacodu waa inay sidiiIsbahaysiga muacridka Masar dawlada sharci daro ku inqilabaan.
Waxaa kale oo qoralka looga danlahaa in lagu xumeeyo laguna wax yeeleeyo xidhiidhkawanaagsan ee ka dhexeeya Beesha iyo Dawlada . Markii qoralada cida qortey labaadhay, waxaa la ogaaday lnay noqdeen dad la aqonsanwayay, haybtoodana la garanwayay.
Hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa inaanay Beeshu marna taageerin, haddadanna tagersanayn taagirina doonin Golayaalaan ku qeexnayn Dasturka Somaliland ama aan ka mid ahayn golayaasha sharciga ahee ka jira dalka. Been abuurku waa aakhiro seeg wuxuuna ka soo horjeda Diintaislamka iyo dhaqnka suuban.
Waxaanu bulshada reer S/land ugadigaynaa inaanay dheg jalaq u siin waxay la wareegayaan, wixii talo iyo toosinah cidi haysana in albabadu u furanyihiin iyaga iyo qayrkoodba. Dhibatada beenabuurkuna waa mid ay wada qabaan Beelaha Somaliland waxaana aan ku talinaynaain warbahintu sida websityada, jaraaidka ,Tv-yada iyo idacaduhuba iska xaqijiyaan wararka ay u bahinayaan been-aburayaasha si ayu ilashadaan sumcadooda.
Tusale ahaan waa inay War-baahintu xaqiijinkaraan in wararku ay yihiin qaar jira.ka xaqijiyaana Hogamiyo Dhaqamedyadadhabta ah ee Beelaha, madaxda ururada Bulshada iyo madaxda hayadaha dawlada eebeenaburayashu sheganayaan inay magacooda ku hadlayaan.
Xaqijintasi waxay soo afjari kartaa beenabuurka ragaadiyay ee dhibatada ku haya bulshada Somaliland.Waxaanu raaligalin kabixinayaa hadalkii deelqaafka ahaa ee lagu dhaleecaynayey masuliyiinta qarankalaguna waxyelaynaya xidhiidhka ka dhexeeya Beesha iyo dawlada. Waxaa magaca Besha ku hadli kara Suldanka iyomadax dhaqmeyada kale uu wakiisho.
Suldan Axmed-Dahir Muuse Cilmi
Suldanka Guud ee Beesha Axmed Sh.Isaxaaq (Toljecle)