Saturday, July 20, 2013

PL: M/weyne Faroole oo Isku Shaan-dheynaya Xukuumadiisa, Wasiirrada uu Caydhinayo iyo kuwa cusub



Garoowe(GNA)-Waxa isa soo taraya wararka isku Shaandhaynt Lafilayo in madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Faroole ku samaynayo  Gollihiisa Wasiiradda, ka dib baaqashadii Doorashada deegaanka iyo tabashooyin fara badan oo ay Bulshada deegaanadaasi Maamulkiisa ka tirsanayaan.




Waxa la xaqiijiyey in wasiirrada qaarkood Shaqada laga caydhin doono kuwona laysku bedbedelayo. doono Sidoo kale waxa la sheegayaa in la keeni doono wejiyo cusub kuwaas oo la filayo in wax ka bedelaan siyaasada Puntland Mudada Shanta Bilood ah ee ka hadhay xukunka DR FAROOLE.




Sida ay tibaaxayaan Ilo-wareedyo xogogaal ah oo ay Gobanimonews ka heshay Saraakiisha Madaxtooyada Puntland, Wasiirada la sheegay in xilka laga qaadi doono waxa ka mid ah Wasiirka Caafimaadka DR Cali Cabdi Warsane,  Wasiirka Amaanka Khaliif Ciise Mudan iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Gen C/laahi Axmed jaamac (Ilkajiir) . iyo xubno  kale oo ka mid ah xukuumada haatan jirta.




Coll Khaliif Ciise Mudan oo ah Wasiirka Amniga  ayaa sababta xilka looga qaadayo lagu fasilay inuu ku Fashilmay inuu Xakameeyo Kacdoonkii Beeshiisa ee Qardho isaga oo noqon waayay Sidii loo haystay oo ahayd inuu Isbedel ka Keenayo Mucaaradka oo u badan Deegaanka uu ka soo Jeedo, sida ay ku warantay Warbaahinta Puntland.




Gen- ilko jiir  oo hada laga bedelayo Arrimaha Gudaha ayaa la sheegaya inuu hogaaamin doono  maamulka Puntland marka uu xilku ka dhaamado Xukuumadda Faroole  mudo dhan laba sano oo lagu diyaarinayo doorasho , sida   u dhigayo soo jeedistii Niclos key Ergayga soomaaliya u qaabilsan QM oo todobaadkii hore Madaxweyne Faroole kulan saacado qaatay la yeeshay .




Wejiyada cusub ee la sheegay in lagu soo kordhin doono Xukuumadda ayaa waxa ka mid ah Cali Cabdi Awaare oo loo dhiibayo Wasaarada  Arimaha Gudaha  iyo C/raxman Maxamud Cali Bayr oo isna laga dhigayo Wasiirka  amniga.




Labada siyaasi ee la sheegay inay ku cusbaan doonaan Golaha wasiirrada ee Faroole ayaa xilalka ka soo qabtay Dawladii ku meel-gaadhka ahayd ee Somaliya.




Gen Cali Beyr ayaa mar noqday Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada TFG ee Coll  Cabadillaahi Yusuf Axmed  Hogaaminayay , in kastoo uu in badan ahaa Mudane Baarlamaanka ka mid ah.




Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale la filayaa in loo magacaabo Dr. Maxamed Xirsi Ducaale oo ah siyaasi Rug-cadaadi ah, tan iyo markii la soo dhisay Xukuumadda Faroole-na ahaa Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka, balse iminka la filayo in la dalacsiiyo.




Isku shaandheynta iyo dib u habaynta Madaxweyne ku samaynayo Xukuumaddiisa ayaa dadka ka faalooda siyaasadda Puntland, ku tilmaamayaan mid xiligan loo baahnaa, isla markaana wax weyn ka bedeli doonta dib u dhaca siyaasadeed ee ka muuqda dawladiisa, xili ay sii yaraanayso Taageerada uu ka heysto Bulshada ku dhaqan Gobolada uu maamulo.




Geesta kale talaabada uu qaadayaa waxay ku soo beegantay xili la hakiyay Doorashadii deegaanada Puntland oo sababaha ay u qabsoomi wayday ay ka mid yihiin habacsanaan Maamul oo hadhaysay Xukuumadda iyo walaac laga qabay inuu qalalaase ka abuurmo.




Doorashada ayaa la joojiyay, maalin ka hor xiligii loo cayimay inay qabsoonto oo ahayd 15 Bishan, ka dib markii Deegaano badan lagu gubay Sanaaduuqdii codbixinta, qaarkood dagaal toos ah lagala horyimi oo lagu dilay saraakiil ciidanka ka tirsanaa.




Gobanimonews




Garoowe Reporter.




Email: editor@gobanimonews.com