"Nuxurka laba war saxaafadeed oo ka soo baxay Madaxtooyada Garoowe iyo Xafiiska Raysal Wasaaraha Dawlada somaliya Caawa". .Garoowe(GNA)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay doorashooyinka Goleyaasha deegaanka, kaasoo lagu waday in maalinta berri oo taariikhdu tahay 15-July ka dhacaan deegaanada Puntland, balse ay maanta soo waajaheen qul-qulatooyin gacan ka hadal ah oo Nolosha dad Rayid ah iyo Daraakiil Ciidan galaaftay.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Faroole Caawa, ka dib khasaare ka dhashay wixii maanta ka dhacay qardho iyo Gaal-kacayo, ayaa lagu in markii uu la tashaday Madaxweyne kuxigeenka iyo, gudoomiyaha golaha wakiilad, wasiirada iyo xubnaha gudiga ammaanka uu go'aansaday in doorashootinka dhici lahaa berri la joojiyay ilaa wakhti aan cayimnayn.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay asxaabta Mucaaridka ah ee Puntland oo ku saabsan Go’aanka madaxweynuhu qaatay, balse inta laga warqabo qaar ka mid ah Ururadda ka qayb-gelayay Doorashada ayaa hore u qaadacay ka qayb-galkeeda, waxaanay ku tilmaameen sharci daro iyo wax umadda lagu khal-khalinayo.
Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka Madaxweynuhu soo saaray, oo Gobanimonews soo gaadhay, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud Farole, markuu si qotodheer ah ula tashaday Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Golaha Wasiirada iyo xubnaha Guddiga Nabadgelyada Dowladda Puntland, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KMG ah, iyo dad xurmo ku leh Bulshada Rayidka ah, wuxuu soo saaray go’aankaan ku saabsan joojinta Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, oo ka dhici lahaa Puntland berri Isniin July 15, 2013.
Madaxweynaha Dowladda Puntland:
Markuu qiimeeyey mas’uuliyadda iyo xilka weyn ee ka saaran ilaalinta amniga, xasiloonidda, iyo midnimada dadka Reer Puntland;
Markuu arkay kooxo isu soo bahaystay khalkhalgelinta degenaanshaha iyo waxyeeleynta midnimada Puntland, kuwaasoo ay ka mid yihiin argagaxiso doonaya inay si xun uga faa’idaystaan qabsoomidda Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland;
Markuu aqoonsaday dadaalkii dheeraa oo Puntland usoo gashay hirgalinta iyo meelmarinta nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, iyadoo tallaaboyin badan oo lagu guulaystay la soo maray ilaa hadeer;
Markuu qiimeeyey qaswadayaasha gudaha iyo khalkhalgeliyaasha dibedda oo maalgelin iyo abaabul uga qaybgalaya abuurida xasilooni-darro iyo isku dhac xilliga doorashada Puntland;
Markuu aqoonsaday khatar ku imaan karta amniga, nabadgelyada iyo xasiloonidda dadka Reer Puntland;
Markuu qiimeeyey himilooyinka dadka Reer Puntland ee dowlad-wanaaga, nabadda, iyo cadaaladda;
Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u joojisay Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka Puntland oo qabsoomi lahaa July 15. Iyadoo la qaatay go’aankaan adag, Dowladda Puntland waxay shacabka usoo jeedinaysaa mahadnaq balaaran niyadda ay u hayaan una muujiyeen in geedi-socodka nidaamka doorashooyinka socdo, waxayna Dowladdu dadka u balanqaadaysaa inay weli ku taagan tahay mowqifkeeda ahaa sidii loo hormarinlahaa nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, doorashada-na la qaban doono wakhtiga ku habboon, inshallah.
Dowladda Puntland waxay u mahadcelinaysaa Beesha Caalamka oo soo taageertay nidaamkaan muddo 10-sanno ku dhowaad ah, marxalado badan oo lagu guulaystay lasoo martay Dowladda ilaa wakhtigaan xaadirka ah. Dowladda Puntland waxay kalsooni ku qabtaa in Beesha Caalamka ka taageeri doonto sii wadida nidaamka asxaabta mustaqbalka.
Dowladda Puntland waxay ugu yeeraysaa dadka Reer Puntland oo nabadda jecel iyo Ciidamada Amniga inay daafacaan Midnimadooda, Amnigooda.
Dhinaca kale, amaanka Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ayaa Caawa degen, inkasta oo ay taagantahay Xiisad culus oo shacbiga iyo Kooxaha ka soo horjeeda siyaasada dawladu qayb ka yihiin.
Doorashadan la laalay ayaa noqon lahaayd hadii ay qabsoonto tii ugu horaysay ee ay dadku ugu codeeyaan Dastuur iyo Nidaamka asxaabta Puntland, tan iyo markii Maamulkaasi dhidibada loo taagay 1998-kii, waxaanay dhinaca kale noqon lahayd Doorashadii saddexaad ee Gobolkaasi ka dhacda.
Dawlada Federaalka ah ee somaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay shaqaaqooyinkan hakiyay Doorashada Puntland, gaar ahaan dhibaatadii maanta ka dhacday degmada Qardho.
Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyinkii maanta ka dhacay Puntland, gaar ahaan degmada Qardho, markii shacab careysan ay weerareen sanaadiiqdii doorashada ee la geeyay deegaankaas.
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa lagu sheegay in dowladdu ka xun tahay dhibkaas, isla markaana ay ka tacsiyadeynayo qalalaasihii dhacay maanta.
"DFS waxay daneynaysaa nabadda iyo daganaanshiyaha gobolada Puntland iyo dhamaan Soomaaliya. Waxayna ka xuntahay shaqaaqooyinka iyo geerida dhacday – intii dhimatay Alle ha u naxariisto, dhaawacana Alle ha caafiyo"ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale cadeeyay go’aanka dawladda ee ku aadan xalka iyo sida ay dawlad goboleedka Puntland u maaraysay shaqaaqooyinkaas.
“Go’aanka dawlad goboleedka Puntland ee xal doonka ah waa talaabo loo qaaday dhinaca saxda ah,” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaaruhu asagoo intaas ku daray in DFS ayadoo taageersan horumarinta dhinaca dimuqoraadiyaa hadana ay tahay in wax walba ku socdaan hab nabadeed iyo rabitaanka shacabiga.
Ugu danabayntii, Ra’iisal Wasaaraha ayaa muujiyay in DFS ay diyaar ula tahay Puntland wax walba oo kaalmaynaya horumarinta dimuqoraadiyaynta dalka iyo rabitaanka shacabiga
Gobanimonews
Garoowe Office