(GNA) Xog-hayaha arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku, oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in ay adkeynayaan xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia ay la leeyihiin Kenya, kaddib hub si sharci darro ah loo soo geliyo waddanka Kenya.
Xog-hayaha arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku, waxa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen Gawaadhi badan oo siday Hub sharci daro ah, isaga oo sheegay in Xukuumadda Kenya ay iminkaba qaaday Talaabo horu dhac ah.
Dhanka kale, waxa uu Joseph sheegay in adkeynta xudduudaha Kenya ay dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia la wadaagto loo adeegsan doonto qalab casri ah oo sheegaya Xaalad waliba oo kusoo wajahan dhanka Ammaanka.
Ciiddamadda Ammaanka Dalka Kenya ayaa waxa ay marar badan gacanta ku dhigeen Hub iyo Darees ciidan oo la doonaayay in lagu carqaladeeyo Ammaanka Kenya, taasoo soo dadajisay go’aanka ay Xukuumaddu ku mamnuucday ka soo talaabida Xadkeeda.