Garoowe(GNA)-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday eedeysanayaal loo hayey dilkii Allaha u naxariistee Sheekh C/qaadir Nuur Faarax(Gacmay)
Edeysanayaasha la xukumay ayaa waxaa ka mid ahaa C/raxmaan Jaamac Bile iyo Cabdullaahi Cismaan Axmad(Caynte) oo ahaa ragii sida tooska ah u dilay marxuun Sh.C/qaadir.
Gudoomiyaha maxkamadda ciimada qalabka sida ee Puntland C/kariin Xuseen Firdhiye oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in maxkamdda maanta xukun dil toogasho oo aan ka soo laabasho lahayn ku riday eedeysanayaal loo heyayay dilii Sheekha.
” Xukunkii horey loogu riday oo ahaa dil toogasho ayey rafcaan ka qaateen,balse waa la isku afgaran waayay oo waqtigiina waa ka dhamaaday sidaa darteen xakun aan ka soo laabasho lahayn ayaa lagu xakumay dambiilayaasha ayuu yiri C/kariin Xuseen Fridhiye
Waxa uu sidoo kale sheegay Firdhiye in ay jiraan dad kale oo iyagana la xakumay oo ku lug lahaa dilkaasi,inkastoo uu ka gaabsaday gudoomiyaha in uu sheego magacyada shaqsiyaadkaasi,waxa lagu xakumay iyo waxa ay kala ahaayeen.
Sheekh C/qaadir Nuur Faarax AUN oo ka mid ahaa culmo’udiinka ugu waaweyn Soomaaliya ayaa lagu dilay magaalada Garowe Masjid ku yaala Feb 15, 2013.
Gobanimonews
Garoowe Reporter