Wednesday, July 17, 2013

M/weyne Siilaanyo iyo Eng: Faysal oo ay 6 Sano ka dib Hortaalo Booraan Hadimo ha qodin ku Dhici doontaana Mooyee.Q3-aad


 


Todobaadkii Qaran la xidhay iyo Bogaadintii Kulmiye ka helay Gil-gilashada!Watiye Saleban KalshaaleQ3-aad





M. Daa’uud,02/08/2007: “Ururku Siyaasadeedka Qaran wuxuu amaan iyo bogaadin u dirayaa Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisa oo si geesinimo leh u caddeeyay..”




Urur Siyaasadeedka Qaran waxa uu u arkaa mowqifyada Xisbiyada Udub iyo Ucid ay ka taaganyihiin Ururka Qaran iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidh-xidhan, lamaane isku dhafan..”




Hargeysa(GNA)-Urur Siyaasadeedka Qaran waxa uu u arkaa mowqifyada Xisbiyada Udub iyo Ucid ay ka taaganyihiin Ururka Qaran iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidh-xidhan, lamaane isku dhafan oo aan ku kala duwanayn siyaasadooda Tartan Diidka ah ee cabsidu dabooshay”sidaasi waxa sheegay 2-adii Bishii AUGUST Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ahaa Aasaasayaashii Ururkii Qaran ee Xisbiga kulmiye Taageerayaashiisu sida badheedhka ah u taageereen, halka Xisbiga Ucid ka istaagay mawqif la mid ah halkii Xukuumaddii Rayaale ka joogtay.




Maxamed Cabdi Daa’uud oo markii dambe ee laga heshiiyay arinta Ururkaasi Madaxweyne Daahir Rayaale u magacaabay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex oo shir jaraa’id oo kaga hadlay xadhiga saddexdii Masuul ee Ururka Qaran, ayaa sidii kale bogaadiyay Xisbiga kulmiye Taageerayaashiisa.




“Ururku Siyaasadeedka Qaran wuxuu amaan iyo bogaadin u dirayaa Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisa oo si geesinimo leh u caddeeyay mowqifkooda siyaasiga ah ee ay ka taagan yihiin arrimaha Ururka Qaran.”




Hagaag, hadaba inta aynaan gudo gelin Doodii Maxamed Cabdi Daa’uud ee maalintaasi iyo dareenkii isaga iyo Xisbiyahadana kulmiye ka qabeen Xukuumaddii Rayaale, aynu ku yara hakano, waa maxay farqiga u dhexeeya Ururkii Qaran iyo Gollaha Wada-tashiga Qaran ee ay maanta ku dhawaaqeen raga ay ka dhex muuqdaan Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa saddexdii nin ee Maalintaasi Jeelka Mandheera ku jiray ee xataa loo diiay inay booqdaan Eheladoodu iyo Fayal Cali Waraabe oo aynu qormooyinkii hore ku soo aragnay hakuu ka joogay Qaran.




Ururkii Qaran sida ka muuqan doonta Hadalka Maxamed Cabdi Daa’uud, wuxuu ahaa Urur siyaasiya oo doonayay in la furo Ururadda Siyaasiga ah, waxaana lagu tilmaami karaa Miidaankii suurto gelinta dib u furista Ururadda badan ee sanad ka hor dalka ka dhacay, taasoo aanu hadana kaga qayb-gelin Magacii iyo Muuqaalkii uu lahaa xiligaasi, balse Maxamed Cabdi Gaboose oo kaliya uu kaga qayb galay Ururkii UMADDA, halka ragii kale ee la socday oo Maxamed Xaashi oo ugu miisaan cuslaa badankoodu Xisbiga kulmiye Bustaha kala guuri kari waayeen.




Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, oo ay siyaasiyiinta Aasaasay Xukuumadda iyo Taageerayaasheedu u yaqaanaan Saaqidiinta Siyaasadda, ujeedadoodu uma muuqato inay noqdaan Xisbi siyaasadeed, Urur iyo Golle Xeer-dejineed toona, balse waxa laga dhadhansanayaa dooddaha ay jeedinayeen intii ay ku dhawaaqeen cadaadis siyaasadeed oo ku waajahan Xukuumadda, iyagoo doonaya inay buuxiyaan Kaalintii Asxaabta siyaasadda oo sida uu Eng. Faysal aaminsan yahay Xisbigiisu ku kaliyaystay.




Waxa kale oo cad in raga Mujaahidiinta ah ee halkan ka soo muuqdaa ay tabasho siyaasadeed oo laga yaabo inay si filan waa ah ugu dhacday ay tirsanayaan, waayo Muj Ibraahim Dhego-weyne iyo Xasan Ciise Jaamac oo ah labada Nin ee Golaha Foodsaarada u ah, waxay turun-turooyin aan Garowshiyo laga siin kala kulmeen Marxaladihii laga soo maray Doorashadii golayaasha Deegaanka iyo Xulashada asxaabta Qaranka.




Sidaasi darteed arintoodu waa mid u eeg ku jiq sii iyo dhirbaaxo ay ku cabsi gelinayaan Saaxiibkoodii sidan hore u sheegay lix sanadood ka hor dano siyaasadeed oo uu leeyahay darteed u taageeray sharci-darada siyaasadeed, waa siday aaminsaanyeen xiligaasi rag qaarkoode.




Mid kale Nin weyne sida uu wax Ogyahay warka uma sheegee, odayaashan oo shaki badani ka soo bu’ayay maalmahan, Eedaymo kala duwan u soo jeediyay Goleyaasha Qaranka waxa arintooda loo baahanyahay in laga baaraan dego oo waxay ogyihiin lala eego, laakiinse uma san-saan iyo socod eeka, sida ururkii Qaran.




Sidaasoo aynu ku tilmaanay walina doc iyo dareen badani ku laabanyahay Golahan, isla markaana aanay haboonayn in fal-celin loo sameeyo ilaa ay kala qalaan qorshaha ay damacsanyihiin, waxa arin aad u la yaab badan ah in qaylo-dhaan iyo cambaareyn badani kaga imanayso dhinaca Xukuumadda, taasoo loo arko arin ka hortageeda Golayaasha Qaranka ee Warbaahinta ka weerarayaa ku deg-degayaan.




Waayo?  Qofna sharciga kama weyna, nimankana maaha rag maanta cidi ka siisanayso Sharcigaabu baal-maraynaa iyo Golaha siyaasadeed oo afareeya saddexda Xisbi ama saddexda Golle qaran ayaanu samaysanaynaa, balse waxay ahayd in mudo loo yar daayo halka uu wax ka bilaabo Golaha Wada-tashiga ee ay Warbaahinta ka sheegteen.




Warbaahinta lafteeda waxa ku haboon inay Golaha iyo cida ay la talinayaan Dooddo u qabtaan, doodahaasoo xaqiiqiyan ah kuwo soo afjaraya yooyootanka labada dhinac ee Bulshada Khal-khalka geliya, iyadoo ay arintu wakhtigan u muuqato in xukuumaddu ka dhigantahay “Layligu Biyaha Kashkiisa ku jira ayuu ka didaa, ama si kale hadaan u dhigo “Ninba Meesha Bugtaa isagay bal-beshaa”.




Ka rog oo hadana saar!




2 Bishii August oo muddo todobaad ku dhow ka dambeysay markii Xabsiga loo taxaabay saddexdii Nin ee Qaran aasaasay, sidaan kor ku soo sheegay waxa hadlay oo shir-jaraa’id ku qabtay Siyaasiga Maxamed Cabdi Daa’uud oo afartii sanadood ee ugu dambeeyay ka mid ahaa UDUB-tii xag-jirka ahayd, balse dhawaan isaga iyo Rag uu ku jiraa ku biireen Xisbiga Kulmiye.




Maxamed Cabdi Daa’uud wuxuu si faahfaahsan u qeexay rabitaankii Ururka Qaran, aragtooda ku aadan xadhiga lagaga Jawaabay, waxaanu si aan gabasho lahayn u cadeeyay inay Xukuumaddii Rayaale ka filayeen maalintii ay ku shirayeen mid ka mid ah Beeraha ku yaala Hargeysa in Sharaabka iyo Biyaha ay u keento, isagoo taasi u daliishanayay  arinta ay hayeen oo ay mid khusaysa Masiirka Umadda.




Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan:-“Xadhigga madaxda Ururka Qaran, iyo caga-juglaynta lagu hayo taageerayaashiisa waa Xaalad Abuur ujeedada ka dambaysaa tahay sidii wadanka qas looga abuuri lahaa, qiilna uu Xisbul-xaakimku uga heli lahaa sidii dooroshooyinkan soo fool leh ee mudada yari ka hadhay loo qalin daari lahaa.

Nidaamkan UDUB ee hoggaaminaya dalku, waxa uu qorshaystay in waddada arrintaas loo marayaa noqoto xidh-xidhka iyo afduubka madaxda Uruka Siyaasadeedka Qaran, si xad-gudubkaasi uga cadhaysiiyo ummadda, deedna ay ka dhalato "amar-diiddo" ama kacdoon ummaddeed, oo ay xukuumaddu xabad iyo xoogga ciidankeena kaga jawaabto. halkaasna fawdo ka aloosanto. Ka dibna Amar Deg-deg ah lagu soo rogo dalka, Xukuumadduna ay ka codsadaan Guurtida inay u ansixiyaan, ka dibna doorashooyinkii la laalo.

Mu'aamaraddaas waxa fashiliyay bisaylka siyaasadeed ee madaxda Ururka Qaran iyo taageerayaashiisa, oo isu dhiibay si nabad-galyo ah, una badheedhay in ay u dulqaataan xadhiga iyo tacaddiga lagula kacay si ay dalka iyo dadkaba u badbaadiyaan, taas waxay u doorbideen in umadu u hiiliso iyaga oo qabiil iyo qaab kale oo dalka Somaaliland wax u dhimaaya aan la adeegsan.

Xukuumaddan UDUB ee hoggaaminaysa talada dalku, waxa ay caadeystay, baahinta borobagaandooyin aan sal iyo raad toona lahayn oo laga sii daayo Idaacadda iyo TVga Qaranka, kuwaas oo fasiraad qaldan ka bixinaaya ujeddooyinka Ururka Qaran, iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidhanba, Waxa kale oo la-yaab leh Muwadiniinta ka gilgishay xadhigga lagula kacay madaxda Ururka Qaran ee aragtidooda ku baahiyay wer-geysyada xorta ah oo xabsiga loo taxaabey. Dhinaca kale, sheeko baraleyda uu fidinayo Bulaale iyo Xisbigiisa UDUB, waa mid ka soo horjeeda xaqiiqada muran ma-doontada ah; ee in madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran, ay ka mid ahaayeen raggii lahaa bud-dhiga xidhiidhka u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, ee jabiyey cuqdaddii taariikhiga ahayd ee kala dhextaalay labda ummadood ee Walaalaha iyo Jaarka ah.

Khilaafka Xukuumaddu, ku mar-marsoonaysoo ee ku saabsan Furashada Ururo Siyaasadeed iyo sharcinimadooda, waxaa cadeyn ugu filan daraasadda cilmiyeysan ee ay ka sameeyeen Ururka Garyaqaanada Somaliland, SOLLA, dhawaana ku baahiyeen warbaahinta gudaha, taas oo si waafiya u sharaxaysa qodobada dastuuriga ah ee ay xukumadu muranka gelisay sida qodobka 23aad faqradiisa 3aad, iyo xeer No.14. Kuwaas oo xukumadu si qaldan u fasirto. Waxay xukumadu had iyo jeer cuskataa qodobka 9aad, kaas oo xadidaya tirada xisbiyada Siyaasiga ah ee dalka ka jiri kara, iyadoo daboolaysa ama daaha saareysa nidaamka dastuuriga ah ee ay ku imanayaan Xisbiyadaas la xadiday oo asalkoodu ka abuurma Unug Urur Siyaasadeed. SOLLA, Waxay ku caddeeyeen daraasaddooda in Furashada Ururada Siyaasi ahi bud-dhig u tahay doorashada golayaasha degaanka, oo iyaduna saldhig u ah soo bixitaanka sadexda Xisbi Siyaasadeed oo ku tartama Doorashooyinka Qaranka (Doorashada Madaxweynaha iyo ta Baarlamaanka).

Somaalilnd, waxay ka kasbatey bulshada caalamka magac iyo ixitiraam weyn kaasoo soo dedejin kari lahaa aqoonsigeena, balse ay carqalad ku keentay dhacdooyinka ay xukumadu ku talaabsanayso beryahan dambe kuwaas oo ay ka mid yihiin;
· Fulin la’aanta shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyaan golaha wakiiladu.
· Ku tumashada iyo jabinta Dastuurka iyo Xeerarka Dalka u degsan.
· Ku dhaqan la’aanta miisaniyad sanadeedka iyo xisaab-xidh la’aanta, taas oo lagu xalaashado lunsiga iyo boobka hantida Ummadda.
· Hawl-gelin la'aanta gudiga dooroshooyinka qaranka.
· Xidh-xidhka, cabudhinta, caadadinta ,caga-juglaynta muwaadiniinta iyo is-hortaagga Furashada Ururo Siyaasadeed.
Arrimahan aan sare ku soo sheegnay waxay caalamad su,aal gelinayaan masiirkeena qaranimo ee looga fadhiyey xukuumaddan.




Waxaa kale oo aan la dabooli karin, Kulankii Ergayga EU-da u qaabilasan S/land/Somaaliya uu la kulmay Ururka Siyaasiga ah ee Qaran, Axsaabta kale iyo Xukuumadda, kaasoo caddeeyay inay waajib tahay in la raaco Dastuurka dalka u degsan, oo jidaynaya Furashada Ururada Siyaasiga ah, oo saldhig u ah geedisocodka Hannaanka Xisbiyada badan. Taasina ay tahay tan keentay in ay ka taageeraan S/land dhinacyo badan. Sidoo kale, wuxuu ku dardaarmay inay waajib tahay in la qabto Doorashooyinka wakhtigii loo cayimay oo aanay dib uga dhicin, hadii kale, ay ka fiirsan doono kaalmadii iyo taageeradii ay siin jireen S/land.

Haddaba Ururka siyaasiga ah ee qaran waxa uu u arkaa xadhiga madaxda sare ee ururka, oo ah mujaahidiintii dalkan u soo halgamay, inuu yahay dhaawac ay Xukuumaddu gaadhsiisay sumcadda S/L, oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xeerarka dalkan u degsan, waxayna halis ku tahay Aqoonsiga Bulsho-weynta Caalamka ee Qaranimadeena. Waxaan shaki ku jirin dhacdadan, iyo kuwa kale ee aynu kor ku xusnay, inay hordhac u yahiin dib u dhiga dooroshooyinka golaha degaanka, iyo hanaanka geedi-socodka dimoqraadiyada curdinka ah ee ay ahayd inay dalkan ka hana qaaddo.
Ururka siyaasiga ah qaran waxa uu mar labaad si adag u canbaraynayaa xadhiga loo geystay madaxdii sare ee Ururka Siyaasiga ah ee Qaran oo kala ah:

1. Dr. Maxamed Cabdi Gabose
2. Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo
3. Jamaal Caydiid Ibrahim.

Waxa kale uu canbaareynayaa xadhiga iyo afduubka foosha xun ee lagula kacay muwaadiniinta ay ka mid yihiin Caaqil Cabdirahmaan Cawaale Dudo-kabood, iyo Maxamed Cabdi Jibriil, oo ciidanka booliisku ka qab-qabtay suuqa Hargaysa 31 july 2007, kuwaas oo lagu eedeyay inay taageerayaan Urur Siyaasadeedka Qaran.

Ururka Qaran waxa uu u soo jeedinayaa xukumadda:
 Inay si degdega u sii dayso madaxda sare ee Urur Siyaasadeedka Qaran, isla mar ahaantaana xoriyadoodii u soo celiso muwaadiniinta kale ee xidh-xidhan.
 Inay dhisto gudigii diwaangelinta Ururada Siyaasiga
 Inay ka waantowdo cabudhinta iyo hanjabada ay ku hayso muwaadiniinta.
Ururka Qaran waxa uu ugu baaqayaa gudiyada joogtada ah ee labada aqal barlamaan inay qaban qaabiyaan fadhi ay ku dhegyastaan dhinacyada ku muransan arrinta fururshada Ururada Siyaasiga ah.

Urur Siyaasadeedka Qaran waxa uu u arkaa mowqifyada Xisbiyada Udub iyo Ucid ay ka taaganyihiin Ururka Qaran iyo madaxdiisa xaq-darada ku xidh-xidhan, lamaane isku dhafan oo aan ku kala duwanayn siyaasadooda Tartan Diidka ee cabsidu dabooshay, kuwaas oo jidaynaya cabudhinta iyo xadhigga siyaasadaysan ee Xukuumaddu kula kacdo siyaasinta iyo muwaadiniinta, isla markaana lid ku ah dastuurka iyo xeerarka qaranka soomaalliland.
Ururku Siyaasadeedka Qaran wuxuu amaan iyo bogaadin u dirayaa Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye iyo taageerayaashiisa oo si geesinimo leh u caddeeyay mowqifkooda siyaasiga ah ee ay ka taagan yihiin arrimaha Ururka Qaran, waxaanu u arkaa Xisbi u bisil arragtidiisa siyaasiga ah una diyaar ah dhaqan gelinta hannaanka axsaabta badan ee aynu dooranay iyo fulinta dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.”ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.




Waxaana la waydiiyay su’aal ahaydsidan:




S: Waxa jira in hogaamiyeyaashii ururkiina QARAN ay xabsiga ku xidhan yihiin, isla markaana markale laba xubnood oo kale la xidhay, wasiirka daakhiliguna sheegay in aanu xadhigu ku koobnayn oo qudha saddexda masuul ee qaran, balse xabsiga loo taxaabi doono cidii kale ee raacsan iyo cidii kale ee talaabo qaadaba, arimahaas sideed u aragtaan?
 




J: Runtii qaranna waa laga gar-darnaa, dadweynahana waa laga gardarnaa, dawladda waxaad moodaa in aanay sharcigii ku dhaqmaynin, xeerarka marka ugu horeysa ee xuquuqal iinsaanka laga hadlayo iyo xaqa muwaadinku leeyahay, waxay yidhaahdeen waxa waajib ku ah qodobada ka hadlaya waxa weeye dastuurka qaybtiisa 1-aad, xubintiisa 3-aad, wax kale kama hadlayso, arimahaa ilaa dhawr iyo toban qodob weeyaan, waxaan leeyahay dhowr iyo tobankaa qodob xukuumadii akhrista.




Waxay faqrada ugu horeysa leedahay xeer ilaalinta, fulinta iyo garsoorka waxa ku waajib ah inay u hogaansanaadaan qodobada qoran, qodobadaasina waa kuwan lagu xidhay qaran, qodobada hoos ku qorani waa kuwii lagu xidhay salaadiinta aad sheegaysaan, qodobada hoosta ku qorani waa kuwa guryahayaga lanoogu soo daadanayo, qodobada hos ku qorani waa kuwa beeraha iyo hantida gaarka ah ee ay dadku leeyihiin ee kulamada nabadgelyada ah ee aayo ka talinta Somaliland loogaga hadlayo ee ay ahayd inay dawladu sharaab noogu dhigdhigaan ileyn waa wax danta ummadda loogu adeegayo, inay inta ay u soo dhacaan xidhaan, basaasaan, xanibaan waa xuquuqdooda lagu tumanayo, markaa dastuurkeena waxaanu leenahay dawlada ka codsanaynaa oo leenahay samuhu ma duugoobo, dembiga ummada laga galayana ama dalka laga gelayana mid la iloobi karo maaha”.




La soco qaybo kale iyo qormadan Doodduna waa wali Daahir-na kamuu hadal.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews Editor and Reporter




Email: editor@gobanimonews.com




Curad1986@hotmail.com




Twitter@gobanimonews.com




Facebook: curad1986@facebook.com




Tel:00252634229772