Manchester United ayaa soo diiday dalab furitaan ah oo ka yimid Chelsea oo ku aadan Wayne Rooney kaasoo ahaa 10 milyan ginni oo uu la socdo ciyaaryahan, sida ay sheegayaan saxaafada Ingariiska.
Waxaa wararka haatan soo baxaya ay xusayaan in United loo soo bandhigay dalab ah 10 milyan ginni oo kaash ah iyo midkood Juan Mata ama David Luis Luiz.
United ayaase ku adkeysatay in weeraryahanaka doonaya inuu baxo inuusan iib ka aheyn, taasoo keeneysa in tababaraha Chelsea Jose Mourinho inuu haatan go’aansado haddii dalab kale oo cusub uu gudbinayo.
Arsenal ayaa la fahamsan yahay inay hore wax uga weydiisay United arinta ciyaaryahanka balse aan wax dalab ah weli gudbinin iyadoo ku mashquulsan wadahadalada Luis Suarez iyo Gonzalo Higuain.
Mourinho ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu iska iibiyo Mata iyo Luiz, islamarkaana waxa uu rajeynayaa in midkood iyo lacag ay ku qancin karto Man United inay iska soo wareejiyaan Rooney.
Rooney ayaa xalayto la ogaaday inuu ka xanaaqay hadaladii tababare David Moyes ee ahaa inuu keyd u fadhin doono Van Persie xilli ciyaareedka soo socda.