Xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Neymar ayaa iska horimaan doona markii ugu horeysay marka xulalka Portugal iyo Brazil ay kulan saaxiibtinimo ku kulmaan 10ka bisha September kulankaasoo ka dhici doona Mareykanka.
Xiddiga Real Madrid Ronaldo iyo xiddiga cusub ee Barcelona Neymar ayaa isku arki doona garoonka Gillette Stadium ee Foxboro, Massachusetts sida la shaaciyay maanta.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan ciyaar sidaan u weyn aan keeno agagaarka Boston, oo guri u ah bulshada ugu badan ee afka Poruguese ku hadasha” ayuu yiri Charlie Stillitano oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulankaan.
Brazil ayaa Boston booqaneysa ka dib markii ay sannadkan ku guuleysteen FIFA Club World Cup oo finalkii ay 3-0 kaga qaadeen xulka Spain.
Neymar, oo afar gool dhaliyay Koobkii Qaaradaha ayaa isagoo ka hadlayay kulanka saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan Portugal waxa uu yiri:
“Mar kasta waa jawi farxadeed marka aan Mareykanka tagno, waana ku faraxsanahay inaan Boston kula ciyaareyno Portugal 10ka September. Boston iyo agagaarkeeda waxaa degan bulsho aad u badan oo Brazil ah, waxaana taageerayaasheena Mareykanka ku martiqaadayaa inay yimaadaan oo ay ku riyaaqaan ciyaarta.”
Kulankii ugu danbeysay ee Brazil iyo Portugal iska horyimaadaan waxa ay aheyd 2010kii Koobkii Adduunka ee South Africa ka dhacay markaasoo barbaro 0-0 ku kala baxeen.
Labada ciyaaryahan ayaa sidoo kale isaga horimaan doona kulanka ugu soo horeeya ee El Clasico bisha October ee isla sannadkan.