Kulankii ugu horeysay ee tababare David Moyes ee Manchester United ayaa noqday mid guuldarro ku dhamaaday ka dib markii guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay kooxda Singha All-Stars ee xiddigaha Thailand halkaasoo ay booqasho ku joogaan.
Kulankaan oo furitaan u ahaa kulamada saaxiibtinimo ee xagaaga ee ay Man United ku booqaneyso Asia iyo Australia ayaa waxaa ka soo baxday natiijo lama filaan ah, iyadoo xiddigaha Thailand ay guul ka gaareen kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League.
Goolka ayaana yimid qeybtii labaad daqiiqadii 49aad ee ciyaarta, iyadoo Winothai uu kubad dabamariyay goolhaye Ben Amos ka dib markii kubad lagala soo tagay Evans iyo Ferdinand.
Winothai oo taageere United ah ayaana ka dhabeeyay balantiisii aheyd inuusan si waali ah u dabaaldegi doonin hadii uu gool ka dhaliyo.
United oo koox iska xoogan ku soo gashay garoonka ayaana isku dayday inay hesho goolka barbaraha iyagoo fursado badan iska qasaariyay, laakiin nasiibka ayaa ku saacidi waayay inay barbareeyaan xiddigaha Thailand.
Inkastoo ay kulan saaxiibtinimo aheyd hadana David Moyes uma aysan aheyn wixii uu ka filayay inay kulankaan ka soo bixi karaan.
Ciyaartoydii Manchester United U Ciyaartay:
Manchester United: Amos, Fabio (Evra 77), Ferdinand, Evans, Buttner (Rafael 33), Carrick, Anderson (Jones 62), Cleverley (Lingard 62), Giggs (Zaha 62), Januzaj, Welbeck
Bedel aan la isticmaalin: Lindegaard, Keane
Man United ayaana kulankeeda labaad ee saaxiibtinimo xagaagan waxa ay 20ka bishaan la ciyaari doontaa xiddigaha horyaalka Australia ciyaar ka dhici doonta Sydney.