Franck Ribery ayaa sheegtay inuu u qalmo inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or sannadkan ka dib markii uu Bayern Munich ka caawiyay xilli ciyaareedkii hore hanashada seddexda koob.
Xiddiga reer France iyo saaxiibadiisa kale Thomas Muller, Arjen Robben iyo Mario Mandzukic, ayaa ka mid ah ciyaartoyda u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka qaarada Yurub Uefa Best Player in Europe.
Si kastaba, 30 jirkaan ayaa diirada waxaa u saaran abaalmarinta ka weyn ee Ballon d’Or, waxaana uu aaminsan yahay inuu fursad fiican u heysto in sannadkan loo caleemo saaro xiddiga ugu fiican adduunka.
“Waxaan qabaa inaan sameeyay wax walba oo aan ku noqon karo ciyaaryahanka ugu fiican adduunka” ayuu u sheegay website-ka Bundesliga.
“Xilli ciyaareed aad iyo aad u fiican ayaan ciyaaray. Waa inaan haatan ku guuleysto hadii kale waligeey kuma guuleysanayo abaalmarintan. Ma ciyaari karo xilli ciyaareed kan ka fiican.”
Ribery ayaana doonaya inuu soo gabagabeeyo afartii sanno ee isku xigta ee laacibka sannadka adduunka uu ku guuleystay xiddiga reer Argentina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi.