Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa sheegtay in kooxdiisa ay heysato 124.5 milyan euro oo ay suuqa kala iibsiga ku geli karaan xagaagan.
Madaxa Napoli ayaa warkaana sheegay saaka ka dib markii uu ka qeyb qaatay su’aalo iyo jawaabo lagu weydiinayay Twitter.
Kooxda ka dhisan Stadio San Paolo ayaa heysata lacag ay qarashgareeyaan ka dib markii ay Edinson Cavani ku iibiyeen 64 milyan euro kaasoo si rasmi ah ugu biiray PSG.
“Haddii aan 64.5 milyan euro ee aan ku iibinay Cavani ku darno lacagtii aan hore u heysanay ee 60 milyan euro markaas waxaan heysanaa 124.5 milyan euro oo Napoli ay si qibrad leh ku maalgashan doonto.” ayuu yiri.
Inay helaan bedelka Cavani ayaa ah muhiimadooda ugu sareysa, waxaana De Laurentiis uu xaqiijiyay in Gonzalo Higuain iyo Leandro Damaio oo u ciyaara Internacional inay diirada u saaran yihiin.
“Waa run wadahadalo ayaan kula jirnaa Higuain iyo Damiao” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in daafaca Real Madrid Raul Albiol inuu ku dhow yahay inuu ku biiro Napoli isagoo sheegtay in 27 jirkaan uu tijaabada caafimaadka u marayo kooxda.
“Raul Albiol waxa uu marayaa tijaabada caafimaadka, aan rajeyno inuu ku baaso” ayuu yiri madaxweynaha Napoli.