Gaashaamo(GNA)-Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay ilaa lix kalena waxa lagu soo waramay inay ku dhaawacmeen, ka dib markii Dablay hubaysani xalay Rasaas ku fureen Goob Jaadk lagu Iibiyo oo ku taala Magaalada Gaashaamo ee Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya.
Dadka Dhintay waxa ka mid ahaa Nin Magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Ismaaciil Xaaji Axmed Ducaale oo ka mid ahaa Jaadlayaasha Deegaanadaasi Jaadka ku Iibiya, kaasoo sida la sheegay isla goobtaasi ku dhintay.
Goob-joogayaal ku sugan Magaalada ayaa sheegaya in Nin ka mid ah Koox Hubaysan oo goobtaasi soo weerartay Rasaas Ooda kaga qaaday dadka dhintay iyo kuwa Dhaawacmay, kooxdaasoo markii falkaasi fuliyeen baxsaday.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Gaashaamo iyo Hay’adaha amaanka oo la xidhiidha dilkan foosha xun, balse wararka aanu ka helayno dadka deegaanku waxay intaasi ku darayaan in labada qof ee ay la wareegeen Ciidanka degmadu, kuwii dhaawacmayna loo soo qaaday dhinaca Magaalada Burco.
Ma cadda ilaa hada sababta dhalisay Weerarkan bahalnimada ah ee dadkaasi lagu laayay, balse waxa jira warar sheegaya in dilkaasi daba socdo aano qaabiil oo hore u dhex martay Bulshada ku nool deegaamada Gaashaamo iyo Qararo oo ka wada tirsan deegaamada Kilalka shanaad ee Itoobiya.
Mid ka mid ah labada Nin ee dhintay ayaa ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle iyo Qararo.
Gobanimonews
Burco Office