Boorama(GNA)-Ugaaska Guud ee Beesha Samaroon Ugaas Cabdirashiid, Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa Maanta ka amba-baxay Magaalada Boorama, waxaanu u kicitimay dhinaca Magaalada Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka somalida Itoobiya.
Ugaas Cabdirashiid ayaa mudo laba bilood ku dhow ku sugnaa Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxaanu kulamo iyo shirar gooni gooni ah iyo kuwo guudba halkaasi kula yeeshay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Awdal iyo dhinacyada kale ee Bulshada.
Maanta intaanu ka amba bixin Boorama, waxa uu shalay Kormeer kulamo weheliyaan la sii yeeshay Masuuliyiinta dawlada ee Heer Degmo iyo Gobol, kuwaasoo sida uu ku waramayo Wariyaha Gobolka Awdal ee Gobanimonews waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu kala hadlay ahayd, horumarinta adeegyada Bulshada, gaar ahaan dhanka Cadaaladdda iyo Amaanka.
“Cadaaladdu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee bulshada u baahantahay, waxaana loo baahanyahay inay Bilaysku Cadaaladda Ilaaliyaan oo ay dadka si cadaalad iyo masuuliyaddi ku jirto ugu shaqeeyaan”sidaasi waxa uu yidhi Ugaas Rooble mar uu la hadlayay Saraakiisha Bilayska Boorama oo uu xafiiskooda ku booqday.
Dhinaca kale, waxa Ugaasku shalay booqday xarunta dawlada hoose ee Boorama , Cisbitaalka Guud, xarunta Gobolka iyo goobo kale oo muhiim ah, kuwaasoo uu dhamaantood Masuuliyiinta ugu saraysa kulamo kula yeeshay, kulana dar-daarmay inay Bulshada si wanaagsan ugu adeegaan.
Maanta markii uu ka u amba-baxay dhinaca Itoobiya waxa si weyn u soo dhaweeyay Odayaasha Dhaqanka iyo wax-garadka gobolka, kuwaasoo gaadhsiiyay ilaa xadka Itoobiya.
Ugaas cabdirashiid Ugaas Rooble, ayaa mudadii uu joogay Gobolka waxa uu ka shaqeeyay sidii loo xalin lahaa Xiisadda ka aloosan deegaanka Xariirad iyo Gobolka Selel, waxaanu sida la aaminsanyahay door weyn ka qaatay sii deyntii Odayaasha Beesha ciise ee u xidhnaa Dilkii Xariirad ka dhacay bishii April ee sanadkanka.
Gobanimonews
Boorama Office