Hargeysa(GNA)-Beesha koonfurta magaalada Hargeysa,ayaa madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay in uu dib u eego saami qabsiga beelaha Somaliland,isla markaasna meesha ka saaro qaraabo kiilka, umadda reer Somalilandna uu u simo khayraadka dalka.
Waxaay dhalinyaradan iyo aqoon yahankan beesha Ciidagale ay madaxweynaha ku eedeeyeen in musuq,cadaalad darada,eexda iyo qabyaaladu ay aad ugu dhex faaftay xukuumadiisa loona baahan yahay in wax laga qabto si loo soo celiyo kalsoonida ay dadku ku qabaan maamulkooda.
Waxa ay sidan ku sheegeen kulan balaadhan oo ay dhalinyaradaasu ku qabteen hotel Dalxiis magaalada Hargeysa,kaasi oo markii danbena ay ka soo saareen war-saxaafadeed, waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedkaas oo dhamyas tiran sidan “
Bulshada Somaliland waxa ay soo gashay halgan naf iyo maal ba ay u soo hurtay sidii ay iskaga tuuri lahayd heeryadii nidaamkii kali-taliska ahaa ee Siyaad Barre, kuna astaysnaa caddaalad darro, eex, iyo qaraabo kiil.
Heshiiska bulsho ee Somaliland isu hayaa waa Dastuurka qaranka waxaanu aragti ahaan dhigayaa nidaam siyaasi ah oo ay u siman yihiin muwaadiniinta oo dhami talada dalka iyo khayraadkiisa. Waana tii uu u dhaartay Madaxweynaha talada hayaa in uu ku dhaqmo inta uu xilka hayo.
Waa dhaqanka siyaasadda in nidaam kasta oo dawli ahi ka turjumo hadba qaab-dhismeedka bulsho ee jira. Haddaba, marka laga hadlaayo wadan umaddiisu u kala qaybsan tahay qabaa’il sida keena oo kale suurta gal ma aha in talada dalka lagu koobo cid gaar ah. Waana tii keentay jabkii iyo hoogii rajiimkii
Afweyne.
Nasiib darro, waxa muuqda maanta 22 sano ka dib in umadda Somaliland ku guul daraysatay in ay hesho nidaam caddaalad iyo horumar u horseedaa. Haddana, Waxaaba soo if-baxay maamul xumo, musuqmaasuq iyo qaraabo kiil ragaadiyay dawladda maanta jirta. Taasi waxa ay sababtay midnimadii iyo wada jirkii umaddu in dhaawac weyni soo gaadho. Heerka musuqmaasuqa iyo qaraabo kiilku gaadhay waxa tusaale u ah in nidaamka shaqo qorista ee dawladdu, qaybinta addeegyadda bulshada iyo khayraadka, iyo heshiisyada qandaraasyada in intaba lagu bixiyo qoysnimo iyo hab qabiilaysan.
Sidaa darteed, rajadii dadku waxa ay ku dhawdahay gabaabsi waxaana marag u ah dhalinyaradii oo dalka ka haajiraysa iyo yididiiladii in aqoonsi la helo oo mugdi weyni hadheeyay.
Iyadoo ay maanka ku hayaan arrimahan kor ku xusan iyo tabashooyin ugaar ah beesha, waxa shir isugu yimid aqoon yahan ka iyo dhalinta Daa’uud Ismaaciil(Ciidagale) waxayna soo saareen qodobadan:
1. Waxay gar waaqsadeen in dawladda maanta jirtaa dhinac ka rarantahay, beeshuna aanay ku qanac sanayn saamiga laga siiyey, u mana qalmo miisaankeeda.
2. Waxa xusid mudan in beeshu marar
badan usoo bandhigatay tabashada beesha Madaxweynaha talada hadda haya. Inkasta
ay haboonayd in qofka mas’uul ka ahi uu qawlkiisa rumeeyo, waxba ka muu fulinin
arrimahasi, beeshuna in badan bay ka dhawrsatay inay saxaafada ka gudbiso
dareenkeeda.
3.Waxa aanu ugu baaqaynaa Madaxweynaha in uu dib uga fiirsado awood qaysiga
beelaha ee hada jira, qaabka khayraadka dalka iyo adeegyada buslashada loo
qaybiyo, si dhakhso ahna u sameeyo isbedel soo celiya cadaaladda iyo kalsoonida
bulshadu ku qabto maamulkiisa.
4. Beesha waxa ka go’an ilaalinta iyo
sii xoojinta xidhiidhka walaaltinimo ee ay la wadaagto bulshada inteeda kale,
waxaanay ugu baaqaysaa in la iska kaashadu danaha ay wadaagaan.
5.Waxa shirku taageeray in beeshu isugu timaado shirweyne (Barkhadle 2)
Ramadaanta ka dib si ay uga wada tashato xaaladda jirta go’aanna uga gaadho
halka danteedu ku jirto. “Masalaha ninkaan ii dhigayn midig ma saaraayo,
Ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho”