(GNA) Fanny Schlatter oo ah 18 jir u dhalatay Dalka Switzerland ayaa dhaawac uu ka soo gaadhay bawdadeeda midig kadib markii Taleefoonkeeda gacanta oo ahaa Samsung Galaxy S3 uu ku dhex Qarxay Jeebkeeda.
Gabadhaan oo sheegtay inay Maxkamad la fuulayso shirkada Samsung ayaa Teleefoonka uu ku Qarxay xili ay ku jirtay shaqo barasho dhinaca sida wax loo rinjiyeeyo,
waxa ayna tidhi “Ma dareemin wax aan ugu shakin karay oo Taleefoonka uu sidaan ugu qarxi karay, waxaan marqudha maqlay dhawaq weyn oo midka rasaasta ama qaraxyada camal ah oo si deg deg ah u dhacay, kadibna waxaa ii soo uray kiimiko oo isla markiiba holcisay surwaalkii shaqada ee aan watay” Ayey tidhi.
Sidoo kale, waxa ay sheegtay inay gurmad ka heshay dadkii ay la shaqeynaysay, xilli dabka uu wada qabsan gaadhay ilaa garbaheeda oo ula cararay suuliga meeydhashada ee ugu dhowaa halkaas oo ay ku guuleysteen in ay damiyaan dabkii ka dhashay Qaraxa Mobile ka Samsung Galaxy S3.
Fanny Schlatter oo dhaawaca uu ka muuqdo bawdadeeda midig ayaa soo bandhigtay haraagii Mobile ka Samsung ee ku Qarxey jeedkeeda iyo dharkii shaqada ee ay wadatay xiliga uu ku qarxayay, waxaana ay hada qorsheynaysaa inay sharciga la tiigsato shirkada kuuriyaanka ah ee sameysay Samsung Galaxy S3.
Afhayeen u hadlay Samsung ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay soo
gaadho dacwada ay qabto gabadhaasi ay gudda galayaan baadhitaan ay ku xaqiijinayaan waxa dhab ahaan sababay in badeecadooda Samsung Galaxy S3 uu qarxo oo waliba dhaawac uu gaarsiiyo qof ka mid ah macaamiishooda.
Waa markii ugu horeysay ee Taleefoon Samsung Galaxy S3 uu sidaan u qarxo,
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com