(GNA) Ugu yaraan 75 ruux ayaa ku geeriyootay dalka China inta ilaa haatan lasoo sheegay halka 600 ruuxna lala tacaalayo xaaladooda caafimaad inkastoo 20,ooo guriyood ay gabi ahaan burbureen kadib labo dhul gariir xoog badan oo ku dhuftay Waqooyi Bari ee dalka China.
Sida ay baahisay TV-ga caalamiga ah ee CCTV ayaa waxa ay kusoo waramaysa in khasaaraha oo aad uxoog badan darteed ay sababtay in ilaa hataan lagu gudi jiro baadi goob looga soo saaro dad badan oo ku hoos jira dhismayaal ku dul burburay gobolka Gansu.
Labada Dhul gariir ee mataana ah ee ka dhacay Gobolada waqooyi bari ee dalka China ayaa Magnitudes waxa lagu sheegay 5.9 ilaa 5.6 saraakiisha dalka China ayaa waxa ay soo wariyeen in Khasaraaha ka dhasha labada Dhul gariir ee Mataanaha uu sii kordhi doono saacadaha soo socdo xili ay ku howlan yihiin dadaalo lagu baadi goobayo dadyowga ku hoos jira aqalada ku kor dumay
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com