Saturday, July 20, 2013

MSF: Serra iyo Thiebaut xaaladooda caafimaad way wanaagsantahay meel ammaan ah ayay joogaan”


Muqdisho(GNA)-Hey'adda dhakhaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa shaaca ka qaaday in la sii daayay labo haween oo ka mid ahaa shaqaalaheeda gar gaarka oo u dhashay dalka Spain, kuwaasoo muddo sanado ah afduub loogu heystay Soomaaliya.





War ka soo baxay Hey'adda ayaa lagu sheegay in Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo da'dooda aheyd 40-sano jir iyo 30-jir oo dabley hubeysan ka afduubteen Xerada Dhadhaab sanadkii 2011 la sii daayay.

"Serra iyo Thiebaut xaaladooda caafimaad waa wanaagsan yihiin meel ammaan ah ayay joogaan"ayaa lagu yiri war ka soo baxay Hey'adda MSF.

Ma sheegin hey'adda qaabka lagu sii daayay labada haween, waxaase ay u mahad celisay sii deyntooda dhinacyadii ka qeyb qaatay.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysay Mas'uuliyiin ka tirsan hey'adda MSF ayaa sheegeysa in shaqaalahaas la afduubtay October sanadkii 2011, hase ahaatee waxaa ay ku gaabsadeen kaliya inay shir jaraa'id oo ka dhici doona magaalada Madrid ay uga warbixin doonaan qaabka loo sii daayay.

Dowladda Kenya ayaa horay ugu eedeysay afduubkan labada shaqaale inay ka dambeysay Al-Shabaab, iyadoo haweenkan sanad ka hor lagu arkay degmada Afgooye, xilligaasoo Al-Shabaab ka talinayeen degmada kadib markii ay isku dayeen inay baxsadaan, hase ahaatee kooxihii afduubka u heystay ay dib gacanta ugu dhigeen.

Afduubkan haweenkan ayaa aheyd sababihii ka dambeysay soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya, inkastoo dadka wax odorasa ay sheegaan in duulaankooda uu ka weynaa afduubka shaqaalaha loogu geystay xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

Ciidamada Kenya oo labo sano ku sugan Soomaaliya ayaa la wareegay magaalada muhiimka ah ee Kismaayo oo aheyd magaaladii ugu weyn Al-Shabaab ee dhaqaalaha ka heli jireen iyo deegaano kale.
Gobanimonews




Muqdisho Office