Friday, July 19, 2013

Arjen Robben Oo Cadeeyey Kalsoonida Uu Ka Qabo In Aanu Boos Joogto Ah Ka Waayeyn Bayern Munich


Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa xusay in uusan ka wel welsaneyn in uu asaasi ka ahaado kooxda xilli ciyaareedka cusub .




Robben ayaa qiray in shaqada cusub ee tababare Pep in aysan saameyn ku yeelan doonin oo ku aadan aayihiisa ciyaaraha .
Wargeyska Kicker ayuu Robben ka yiri ” waxaan aaminsanahy in aan ciyaarayo, waxaana cad ah in aan ciyaartooy la soo hishiinay taasina waa arin wanaagsan oo kooxda ka dhigeysa mid ka xooggan xilli ciyaareedkii hore”.




Laacibkaan 30-sano jirka ah ayaa intaas sii raaciyay ” ma aaminsani in is badel igu imaan doono waxaan doonayaa in aan halkaan sii joogo , mana jirto wax aan ka baqayo oo ku aadan carqalad ku timaada aayaheyga ciyaaraha”.




Wargeysyada Jarmalka ayaa dhawaan qorayay in Robben boos joogto ah ka heli doonin kooxda xilli ciyaareedka cusub taasi oo keentay in Robben uu hadlo .