Saturday, July 20, 2013

Dubai oo Qofka Miisaanka Iska Rida Dahab Lagu Abaalmarinayo


(GNA) Dawladda hoose ee Magaaladda Dubia ayaa bilawday go’aan cusub oo ah in qofka aadka u buuran ee miisaanka iska rida lagu abaalmariyo dahab.




Qorshan waa mid lagula dagaalamaayo buurnida, taasoo si ba’an u saamaysay dalka Imiraadka Carabta, sida a daabaceen Wargeysyada maxaliga ah ee ka soo baxa  Magaalada Dubai.




Ololahan waxa hal-ku-dhig looga dhigay ‘’Miisaankagu dahabku ku jira’’, waxaana qofkii hal kilo oo miisaan ah iska rida loogu ballanqaaday in la siinaayo hal Gram oo dahabka asliga ah, waxaannu qorshan si rasmi u bilaabmi doona 16 bisha August ee inagu soo fooda leh.
Ololahan si rasmi ah la isugu raacay bishan barakaysan ee Ramadaan inuu bilaabmo oo dhammaan doonta bartamaha bisha August, waxaana hubaal ah in dad badan bishan Miisaankoodu dhici doono, taasoo keenaysa in dad aan cuntada iska dayn karin ka Faa’iidaystaan fursadan.
Qofka ku guulaysta Ololahan oo Saddex qaybood isugu jira wuxuu heli doona dahab qiimahiisu dhan yahay 20,000 dirhams ($5,449).
Waxa ololahan shardi u ah in aan qofka miisaanka iska rida isticmaalin waxyaabo caafimaadka waxyeelaya amma daawooyin uu miisaanka iskaga riday, balse Cuntada uu cunaayo uu iska xakameeyey amma uu jimicsi sameeyey.
Waddamada Gacanta Carbeed ayaa halgan ugu jira sidii ay hoos ugu dhigi lahaayeen buurnida oo aad ugu badan Shacabkooda.
 




W/Q. Ibraahim Khadar Siciid