Friday, July 19, 2013

Muqdisho: 4 Qof oo Maanta lagu Dilay Bakaaraha iyo tirada dadka lagu Khaarjiyay Bisha Ramadaanta


Muqdisho(GNA)-Ilaa afar ruux ayaa galabta siyaabo kala duwan loogu dilay Suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo dil wadareedkani uu noqonayo kii u horeeyay oo mar qudha suuqa ka dhaco, inkasta oo mudooyinkan ay soo badanayeen dilalka iyo Weerarada Qaraxyada ah ee  ka dhacayay suuqaasi.





afarta qof ayaa la sheegay inay ahaayeen dad shacbi ah, inkasta oo weerarrada hore lagu bartilmaameedsanayay ciidamada dowladda.




Labo ka mid ah dadka la dilay ayaa abaarihii salaadii casar lagu khaarijiyay Suuqa Cabdalla Shideeye, halka labada kale lagu kala dilay Suuqa daawada iyo Boosteejada baabuurta Dayniile.




Qof goobjooge ahaa markii uu dhacay  mid ka mid ah dilalkaasi  oo diiday in magaciisa la adeegsado ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad caadi ah, hase ahaatee aanay kala garaneyn inay ciidan ahaayeen iyo in shacab ahaayeen.




Maalmo ka hor ayay aheyd markii askari lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay nawaaxiga suuqa Adhiga lagu iibiyo ee suuqa bakaaraha.




In ku dhow toban ruux ayaa lagu dilay suuqa maalmihii u dambeeyay, kuwaasoo ay ku jireen ciidamo ka tirsan dowladda.




Suuqa bakaaraha ayaa waxa ku yaala labo saldhig ay ku leeyihiin Ciidamada nabadsugida iyo Booliska dawlada somaliya, waxaana tan iyo markii ay dhalatay bishan Ramadaan ku soo badanayay dilalka qorsheysan iyo Qaraxyada.




Gobanimonews




Muqdisho Office