Saturday, July 6, 2013

Mobile-ka ugu qaalisan caalamka oo noqday Iphone5 lagu iibinayo ($15.3 Million)


(GNA) Inkastoo ay jiraan oo ay macquul tahay inaad hore u aragtay gawaadhi qaali ah sidoo kale guryaha ugu qaalisan aduunka iyo IWM habada maanta waxaan kusoo gudbineynaa Akhristoow Mobile-ka ama Telfoonka gacanta kuwa caalamka ugu qaalisan oo qaarkood ay ka qaalisanyihiin qiimaha uu qof bini aadam ah ku iibsan karo hantida aan guurin ama aan dhamaan ee dhaxalka u ah
Mobile-ka ugu qaalisan dunida haatan waa Iphone5 nashqadiisu leedahay Shirkada Staurt Hughes ee dalka Britain wuxuuna ka sameysan yahay Dahab iyo iyo labada Daimond ee kala ah Madow iyo Daimondka Cadaanka ah qiimahisuna waa   ($15.3 Million)




.Nin Gacanta Midigta Go,day Bari Hore Oo Gacan Qof Dhintay Lagu Rakibay?  
Mark Cahill ayaa kamid ahaa ciidamada Royal Marines-ka dalka Britain wuxuuna noqday qofkii ugu horeeyay ee udhashay dalka Britain oo gacan lagu talaallo ama lagu rakibo.




Warkayska Mail Online oo warbixintaa qalinka uqaatay ayaa ka faalooday Mark Cahill in haatan uu gacantiisa la farsameeyay ay usuura gashay inuu ku maamasho noloshiisa isagoo u isticmaala sida caadiga ah oo u isticmaalo gacantiisa kale ee bidixda,.
Mark Cahill ayaa usheegay isla wargayska Mail Online in xiligan ay tahay waqti aanu ku riyoonin in gacantiisii ka go,day dib ugu shaqayneyso islamarkaana uu qoyskiisa kala qayb qaato adeega guud ee ay ka doonayaan.




Dhaqtaka go,aankan qaatay ee ku guulaystay qaliinka Mark Cahill ayaa ku sifeeyay inuu ahaa qorshe saxxan oo uu ugu soo celiyay gacanta Cahill oo haatan lagu rakibay gacan kale oo qofkii lahaa dhintay.
Xididaha gacanta cusub ee Cahill ayaa la isqabadsiiyay maadaama aanu laheyn gacanta ayaa waxa usuurta gashay in gabi ahaantooda dhaqdhaqaaq iyo dareenka gacantta ay shaqeeyaan islamarkaana ay kamid noqdaan xubnaha sida joogtada u shaqeya.
Mark Cahill oo iminka haysta gacan cusub ayaa hadalkiisa kusoo afjaray in aanu wali ku fakarin in gacantiisa cusub uu lahaa qof dhintay laakiin  u haysto  in gacantiisa ay tahay midii ku taallay barigii hore taas oo uga jeedo waxa ay u shaqeyneysaa sidii tii iga go,day maadama  aan u isticmaalo sidaan doono.