Saturday, July 6, 2013

Aabihii muuska gacanta Kumbiyuutarka (Computer Mouse) oo adduunka ka tegay (Died) Doug Engelbart.


(GNA) Doug Engelbart, Waxaa uu ahaa ninkii ugu horreeyey  addunka ee soo saara ama ikhtiraaca (Computer Mouse) muuska gacanta lagu dhaqdhaqaajiyo Kumbiyuutarka, Waxa uu ka shaqayn jiray horaantii 50 aadkii  shaybaadh aarimaha dayax-gacmeedka (aerospace laboratory ) ku  taxaluuqa oo wax  lagu  baadho, dalka Maraykanka. Horanantii 60 aadkii ayuu adduunka ku soo kordhiyey aaladan (computer mouse)  ee kumbiyuutarada addunka laga isticmaalo. Hase yeeshee waxa uu had iyo jeer jeclaa in uu isagu waxa uu leeyahay oo uu adduunka kaga tago sameeyo ama ikhtiraaco (inventor).





Douglas Carl Engelbart, waxa uu ku dhashay, magaalada Portland, Oregon., sannadku markuu ahaa  on Jan. 25, 1925,, Dalka ee Maraykanka.




Waxa uu  asal ahaan ka soo jeeday dalka Norway, da´diisu waxa ay ahayd markuu uu addunka immika ka tegay 88 jir, waxaa uu ifka kaga tegay 3 hablood iyo wiil, xaskiisii hore,  waxay ay adduunka ka baxday sanandku marku ahaaa 1997.