(GNA) Midowga Yurub ayaa ka tashanaya in ururka Xisbullah in ay ku daraan liiska ururrada argegixisada ah iyo in kale.Wasiirrada arrimaha dibedda ee Midowga Europe, ayaa maanta ka shiraya in go’aan ay ka gaadhaan garabka militeri ee Xisbullah.
Waddamada Yurub ee taageersan in ururka lagu daro liiska argegixisada ayaa sheegaya inay jiraan caddeymo muujinaaya in Xisbullah uu mas’uul ka ahaa weerar bambaano oo lagu qaaday safaaradda Isra’iil ay ku leedahay dalka Bulgaria.
Weerarkaas oo dhacay sanadkii tegay ayaa waxaa ku dhimatay lix ruux.
Ururka Xisbullah ayaa hore u sheegay in aanu ku lug lahayn weerarkaas.
Hadii Yurub ay garabka militeri ee Xisbullah ku darto liiska argegixisada, waxaa mamnuuc ka noqon doono diblumaasiyiinteeda inay la kulmaan qof ka socda qeybta militeriga ee ururkaas.
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com