Johannesburg(GNA)- Waxa caawa Magaalada Rusterburg Gobolka North West ee Dalka Koonfur Afrika lagu Dilay Nin Somali ah oo magaciisa lagu sheegay Bishaar Maxamed, kaasoo ay Koox hubaysan oo aan la aqoonsani ku dhex toogteen Dukaan ku yaala Deegaanka Plascob oo uu ka shaqaynayay.
Dilkan ayaa qayb ka ah dhibaatooyinka ay kooxaha shuftada dalkaasi ku hayaan dadka soo galootiga ah oo ay somalidu ku jirto.
Kooxo Budhcad hubaysana ayaa la xaqiijiyay inay marxuumkaasi ku dhex khaarajiyeen Dukaanka isagoo iibinaya, balse lama cadayn inay Dhac ka geysteen halkaasi iyo in kale.
Maxamed Cilmi Nuur oo ka mid ah Somalida ku dhaqan deegaanka dilku ka dhacay, ayaa sheegay in marxuumkaasi ay toogteen dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan, balse ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’ada amaanka ee dalkaasi.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa inay Maydka Marxuumka halkaasi ka soo qaadeen xubno ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Rusterburg, iyadoo sida la sheegay Ciidamo Bilays ahina goobta soo gaadheen.
Dilalka iyo dhibaatooyinka kale oo boobku kamid yahay ee lagu hayo Bulshada somaliyeed ee Koonfur afrika ayaa ayaa mudooyinkii dambe si xawli ah u sii kordhaya.
Kooxo u dhashay waddankaasi ayaa weeraro joogto ah ku haya Goobaha Ganacsiga somalida iyo Itoobiyaanka ee ku yaala dalkaasi, gaar ahaana magaalooyinka Johanesberg iyo deegaamada kale.
Todobaadkii hore ayay Koox hubaysani sidan oo kale u weerareen Dukaamo somalidu leedahay oo ku yaala Magaalada Captown, kuwaasoo ay ka hoos qaateen lacag iyo alaabooyin kale oo ay ka mid ahaayeen Kaadhadhka Telefoonada lagu shubtaa.
Dawlada Koonfur Afrika oo xiliga ku mashquulsan Xaalada Caafimaad ee Ruug-cadaadiga Afrika ee Nelson Mandela, ayaan waxba ka qaban dhibaatooyinka loo geysanayo Mujtamaca Somalida, taasoo muujinaysa Damqasho la’aan iyo sida aanay Johanesberg xil isaga saarayn dadka dhulkeeda Magan-gelyada ku jooga.
Dawlada somaliya ayaa dhawr jeer cambaareysay dilalka iyo boobka lagu hayo Nafta iyo Hantida Mawaadiniinteeda ku nool Koonfur Afrika, balse taasi lafteeda Xukuumadda waddankaasi kamay jawabin.
Somaliya ayaa ka mid ahayd waddamadii Taageerada balaadhan ka geystay Xoriyadda Koonfur Afrika xiligii ay ku jirtay gacanta Gumaysiga, waxaanay u fidisay Taageero dhaqaale iyo mid diblo-maasiyadeed oo ay kaga qayb-qaadatay xoriyada dalkaasi.
Hase ahaatee waxa muuqata dawlada dalkaasi inay ka abaal ka dartay gacan qabashadii somalida ay ka heshay somaliya ka hor sagaashamaadkii intii aanay bur-burin dawladii dhexe ee somaliya.
Xukuumadda somaliya ayaa looga fadhiyaa inay jawaab cad oo diblo maasiyadeed ka bixiso dhibaatooyinka Mawaadiniinteeda ku haysta Koonfur afrika, isla markaana xidhiidhka u jarto dawlada dalkaasi, maadaama oo ay Ixtiraami wayday qawaaniinta Caalamiga ah Ilaalinta Xuquuqda dadka qaxoontiga ah, iska Indho tirtay Hagar daamada lagu hayo somalida.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com