Mesut Ozil ayaa ka hadlay in markii uu soo korayay uu daawan jiray Zinezidane Zidane islamarkaana uu isku dayi jiray inuu sameeyo farsamooyinkiisa.
Xiddiga reer Jarmalka ayaa ka hoos shaqeyn doona Zidane xilli ciyaareedka soo socda, madaama uu halyeeyga Faransiiska ah uu ka mid yahay cawiyayaasha Carlo Ancelotti.
Laacibka No 10 u xirta Madrid ayaa waxa ay u tahay fursad uu dib kula midoobo ninkii uu ku dayin jiray markii uu yaraa.
“Waxaan arkay Zizou markii uu u ciyaarayay France 1998dii” ayuu Ozil ku yiri wareysi uu siiyay So Foot.
“Laga bilaabo markaas waxaan rabay mar kasta inaan ku ciyaaro game-ka Real Madrid iyo xulka France.
“Marka aan arko isagoo farsamo sameynaya, waxaan ka fiirin jiray YouTube. Waxaana qeybta baarista ku qori jiray ‘Zinedine Zidane’ waxaana daawan jiray muuqaalada.
“Waxaan nafteyda u sheegi jiray inaan minguuriyo farsamooyinkaas oo aan garoonka ku sameeyo. Waxaana isku dayi jiray inaan isaga iska dhigdhigo islamarkii aan fursad u helo.
“Waligeey kuma arkin qof sidaas kubad ugu xariiqaya cowska.”