Channel-ka Sky Sport24 ee Talyaaniga ayaa baahiyay in wakiilka Jovetic Fali Ramadani uu kulan la leeyahay agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Man City Txiki Begiristain si ay hishiis uga gaaraan in Jovetic uu u wareego City .
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in City ay u bandhigeen kooxda Fiorentina aduun gaaraya 32-milyan oo euro si laacibkaasi u helaan oo dhanka Juventus aad looga doonayo .
Bogga Calacio Mercato ayaa sheegaya sidoo kale in Man City laacibkaasi ay mushaar ahaan u siinayaan sanadkii aduun dhan 4.5 milyan oo euro oo ay sii dheer tahay balan qaadyo kale oo ku aadan heer ciyaareedkiisa .
Juventus ayaa horay u dooneysay laacibkaasi balse waxa ay diideen bixinta qarash gaaraya 30-milyan oo euro oo ay Fiorentina ku dhaganeyd , waxa ayna City baadi goobeysaa badalka Tevez oo dhanka Juventus ka aaday .