.(GNA) Dowlada Jaziirada Malta ayaa sheegtay in Muhaajiriintaan intooda badan ay ka kala yimaadeen dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo wadamo kale oo badan,waxayna qorsheyneysa inay dib ugu celiso halkii ay ka yimaadeen inkastoo dowlada Malta ay si buuxda u fulisay amarka ka soo baxay Maxkamada sare.
Agaasimihii hore ee Malta ugu adeegayay Qaxootiga ninka la yidhaahdo Joseph Cassar ayaa Vatican Radio u sheegay in Malta ay dooneyso inay caawiso Qaxootiga soo gaara xeebaheeda.
Jaziirada Malta wuxuu ka mid yahay wadamada Xubnaha ka ah Midowga Yurub,waana Jaziirad si weyn ay u gaaraan Qaxootiga ka tagaya qaarada Africa.
Si Kastba ha ahaate waxaa dhanka kale arintaasi ka hadlay hay’addo kala duwan oo iyagu kaga digay Dowlada Jaziirada Malta in aanay maranaba ku fududaanin hadalka kasoo baxay ee celinta qaxootiga oo ay dib ugu celiso dalka Libya.