(GNA) Ken Johnson waa 52 jir Australian ah, wuxuuna ku nool yahay Magaalada Sydney ee dalka Australia.
Wuxuu Johnson u sheegay wargeyska Daily Telegraph in maalintii uu shaqeeyo 16 saacadood shaqadaas oo ah dewersi ama tuugsi.
Wuxuu timaamay in maalinta ugu fiican ay soo gasho 400 doolar halka maalmaha aanu suuqu fiicnayn uu helo 75-100 doolar.
Ninkan oo leh account bangi oo uu lacagta dhigto wuxuu sanadkii helaa lacag ka badan 50,000 doolar. wuxuu leeyahay boodh ay ku qoran tahay i caawi Waxaan u baahanahay in la iga taageero kharashka qoyska fadlan ammaan i sii hadii aad tahay qof xun. Waxaan murugoodaa ayuu yidhi marka aan maalin jimce soo kallaho laakiin habeenkii marka aan tiriyo lacagta aan helay ay noqoto 250 doolar keliya. Habeenkaa ma farxo ayuu yidhi Johnson.
Waxaa kale oo la yaab leh inuu lacagta qayb ka siiyo saaxiibkii oo u baahan in beerka laga bedelo. Ninkan dewersada ayaa ilaa 90aad kii wuxuu ku noolaa dariiqyada magaalada Sydney ee dalka Australia. Wasaarada arimaha gudaha ee dalkaas ayaa ku qiyaastay in dadka dariiqyada ku nool wadanka Australia ay yihiin ilaa 27,000 oo qof.