Monday, July 15, 2013

Man United Oo Dalab Ay Ku Dooneyso Fabregas Maanta Miiska U Saartay Barcelona.


Wararka ka soo baxaya saxaafada Ingariiska ayaa sheegaya in Manchester United ay maanta si lama filaan ah dalab 26 milyan ginni miiska u saartay Barcelona iyadoo dooneysa xiddigeeda khadka dhexe Cesc Fabregas.




David Moyes ayaa doonaya inuu Old Trafford keeno xiddigii khadka dhexe ee Barcelona isagoo doonaya inuu ka dhigo saxiixiisa ugu horeeya ee ciyaaryahan magac weyn leh ka dib markii uu ku gacanseyray  Thiago Alcantara.




Waxaana macalinka Man United uu u dhaqaaqay Fabregas ka dib markii kooxdiisa ay ka degtay Australia.




Febregas ayaa ka tagay Premier League 2011dii markii uu ka tagay Emirates Stadium oo uu u dhaqaaqay Camp Nou.




Laakiin waxa uu ku guuldareystay inuu boos joogta ah ka helo Camp Nou taasoo keentay in lala xiriiriyo inuu baxayo xagaagan.




 




 




26 jirkaan reer Spain ayaa xilli ciyaareedkii qirtay inuu ka tagi doono Catalans hadii kooxda ay u sheegto inaysan u baahneyn.




Waxaana dalabka maanta ee United ay keeni doonto inay tartan dhanka saxiixiisa ah la galaan Arsenal, kuwaasoo iibsashada koowaad iska leh hadii Barca ay iska iibineyso madaama ay ka mid aheyd heshiiskii hore ay isaga iibiyeen.