Monday, July 15, 2013

David Moyes: Waan Ku Faraxsanaan Lahaa Hadii 25% Kaliya Aan Gaadho Guulaha Ferguson .


Tababaraha cusub ee Manchester United David Moyes ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsanaan lahaa haddii afar meelood meel guulihii uu gaaray Ferguson uu ku gaari lahaa Old Trafford.




Fergie ayaa qaaday 38 koob, 26kii sanno ee uu macalin ka ahaa Manchester United.




Waxaana Moyes oo haatan kooxdiisa kula sugan Australia uu yiri: “Xilli ciyaareedkeyga iigu horeeya ee tababare waxaan raacayaa malaha tababarihii ugu fiicnaa ee abid noolaa.




“Haddii aan xitaa ku guuleysto afar meelood meel intii uu ku guuleystay, markaas shaqo fiican ayaan qabtay.




“Sidaasi darteed waxa ugu horeeya inaan sameeyo ay tahay waa inaan saldhigto, aan qof walba si fiican u barto.




“Aad ayaan nasiib ugu leeyahay in qof walba oo kooxda ka shaqeeya uu ii fududeynayo nolosha halkaan.”




Goolhaye David De Gea iyo weeraryahanka kooxda Robin van Persie ayaa kooxda Man United ee joogta Australia kula biiray ka hor kulankooda saaxiibtinimo ee ay sabtida la ciyaarayaan xiddigaha horyaalka Australia.




 




 




United ayaa laga badiyay kulankoodii ugu horeysay ee fasaxa xagaaga, iyadoo guuldarro 1-0 ay ka soo gaartay Singha All Star XI ee Thailand.




Waxa ay sidoo kale labo kulan ku ciyaari doonaan Japan iyo hal kulan ay ku ciyaari doonaan Hong Kong